|

Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Muuse Biixi oo Muddo Kadib Xalay kulan ku yeeshay Hargeisa !

Hargeisa ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa   Xalay kulan ku yeeshay  Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif galadh oo ay kala fogaayeen tan iyo markii Muuse Biixi la doortay Sanadii 2017.

Kulanka dhexmaray   ayaa u muuqda midkii ugu horeeyay ee Noociisa ah oo ay yeeshaan tan iyo markii la doortay Muuse biixi, Waxayna ka wada hadleen arimo kala duwan, sida ay warbaahinta xogta ku heshay.

Madaxwaynihii Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday xukuumadii Axmed Siilaanyo, Kaasi  oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxa uu fulintooda ka sugayay xukuumada  Muuse Cabdi , Balse halkii lagama qaadin heshiiskaasi.

Qodobada heshiiskan ku jiray ee Galaydh doonayo in xukuumada Madaxwayne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ”Dastuurka Somaliland la furo” si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaaladda iyo sinnaan.

Waxa kale oo ka mid ah qodobbada ku jiray heshiiska Somaliland iyo  Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo xukuumada Biixi in laga shaqeeyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah uga hawl-gali lahaayeen Deegaannada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle.

Prof. Cali Khaliif galaydh ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeisa, Wuxuu dhowaan warbaahinta kasoo muuqday isagoo kormeeya goobo ku yaala magaalada Gabiley, dad badan ayaana ku dhaliila inuu maamulkii loo doortay iyo Masiirkii ummada la fadhiistay Hargeisa.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29188

Posted by on Jun 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Muuse Biixi oo Muddo Kadib Xalay kulan ku yeeshay Hargeisa !”

  1. Khaatumo haanoolaatoo

    Oday cali khaliif sowki lumay e beerta hargaysa galay mahada la xusuustay silogu
    Awrkacsado adeer hariyoonina odayaas wakhtigiisi wuu dhamaaday cidna mametelo
    WBT

  2. Governor Galeyr waa in loo doorto Guddoomiyaha Parliament ee Dowladda Somaliland, waa haddii la wadaleetahey Somaliland.

    COONKA hadda Horjoogaha ka ah Parliament waa mid aan tagikatin Laascaanood lkn Governor Galeyr asagaa maamulo ilaa Yoocada.

  3. Hoos ka aqriso calaacalka
    AFHAYEENKA URURKII ISBAHEYSIGA KABLALAX EE BURBUREY (Xaaf dabadiis)

    – Tuke Raq ma dilo, Tartiibna uma cuno, Qaaqna ma daayo

    Ha igu ceebayn anigu ma qorine

    http://allsanaag.com/usc-iyo-snm-oo-farmaajo-isticmaalaya/

    • Galler sharafta alla kaa qaad Waa na ceebeeyay.
      Ma bariis ayuu waayay Waa kan taagan xaflad kasta oo iidoor bariis ku cunayee.
      Gun ninkii u Jaba Waa gumoobaa.
      Bal asagoo ka dhashay maxaa baday luf lufka iidoor.

  4. Asagoo u dhashay DAAROOD maxaa sidaa u bahdilay???

    Viva daarood ismaaciil
    Viva somaliweyn

  5. Wiil Garowe

    Adeerkaa Faroole wuxuu hoos jooga Luf Lufka Hiraab, maxaa uga Maseyree Luf Lufka Governor Galeyr.

    * Marti Dariiqey ku calowdaa

  6. Adeerkay dabshid alla ha ku daayo runtaan kugu jeclahay luflufka hiraab uma muuqdo has calibeesteen. Galayr geesi tolwaayay

  7. Hobyo man

    Hobyo, Garowe iyo Boorame waa meelaha aan jeclahey inaan tago Mustaqbalka.

    Amaantooda ayaa iga badatey 3 meelood,

    Waligey Jowhar Waqooyi uma dhaafin

    * Aaan Habaabee, habaabee hobyo igeeya

  8. Adeer dabshid boorame waa magaalo shidan runtii waxaan joogay sanad waa dad nasaba reer waqooyigu so dhaweyn wacan

Leave a Reply to Hobyo man

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented