|

Baarlamaanka Puntland ma Is-Qarxin Siyaasadeed ayaa ka dhacday ? (Faallo)

Garoowe ( Kalshaale ) Waxaa maalmihii lasoo dhaafay dood dhaliyey Hadalo ay jeediyeen Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ,  waxaana soo ifbaxday in durba yoolkii loo baahanaa meel aan ahayn inay  shiishka saareen.

Waxay Qaar kamid ah jeediyey Hadalo gef ah ku ah Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, iyo Weerar ay ku qaadeen qaar kamid ah  maamul-goboleedada kale, waxayna taasi puntland ku samaysatay caddow aan loo baahnayn,

Dad badan ayaa qaba in Xildhibaanada Puntland  ka hadlay oo u badan dhalinyaro ay Sameeyeen [Isqarxin Siyaasadeed],  Iyagoo mid waliba is leeyahay is muuj  yay dadka jihada ka lumiyeen.

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland talladii way la habaabeen, waa Qormo uu ka Qoray Xaaladan  Wariye Faysal khaliif , Wuxuuna xusay dhowr sababood.

1. Marka koowaad doodaha masiiriga ah ee aadka u adag uma baahna caadifad iyo inaad deg deg go,aan u gaarto.

Muhiim may ahayn in mudane kasta warkiisa la maqlo, waraysiyo ujeedo badana la bixiyo ee waxay u baahanayd xeeladdo iyo faker midaysan oo lagu gaaro go,aamo saamayn kara cidda kaa soo horjeeda, mawqifkaagana xoog u yeeli kara.

2. Dooddii ay yeesheen ka dib waxay ahayd inay u yeertaan labada golle ee Fulinta & Garsoorka si dhab ah la isu waraysto lana abaaro waddooyin qaanuun iyo kuwo siyaasaddeed, waxa kaloo lagama maarmaan ahayd in la raadiyo xulfo kula mawqif ah si aad miisaan culus u yeelato.

3. Waxay kaloo muhim ahayd inay u yeertaan Xubnaha labada aqal ee DFS ku matal Puntland maadaam ay dagaal ka galeen hawshan isku fekerna ay ka yihiin. Sidoo kalena waxa lagama maarmaan ahayd inay daaqad u furaan siyaasiyiinta kale ee Puntland.

Saddexdaa tallaabo marka la qaado waan hubaa in ay soo bixi lahayd go,aan wax ku oolla oo garab siin kara doodda Puntland.

Gunnaanadkii waxaa qabaa wali waqti ayay Puntland haysataa ciyaarta waxa laga badallo habqankana ha la yareeyo, garoonka tashkiilad kale ha lagu soo gallo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29185

Posted by on Jun 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

12 Comments for “Baarlamaanka Puntland ma Is-Qarxin Siyaasadeed ayaa ka dhacday ? (Faallo)”

  1. Is qarxin ma Ahee , waa Ismiidaamin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Xaliimo yarey iyo Khadija diiriye baa yaabay kkkkkkkkk

  2. Wariyaha qoray maqaalkan waa ku mahadsan yahay talada uu siiyey Baarlamaan ku sheega Garoowe ku yaal waana meeshii dhowr bilood kahor lagu laayey laguna dhex dilay Dhoobadaarood ragiisii kuwii raacsanaa ee Warsangali marka meesha noocaas ah Baarlamaan in loogu yeero waaba qalad.Hadaan usoo noqdo maqaalkan waxaan anoo qadarinaya wariya Oran lahaa Puntland iyo Baarlamaan keedo malaha mana istaahilaan second chance maxaa yeelay The damage is done already so it’s too late to go back right now ! Puntland waa lala xisaab tamayaa hada iyo wixii ka dambeeya waxay u barteen inay inta wax bi’iyaan lagana aamuso laakiin hada kadib waa lala xisaabtamayaa.

  3. Oo aawey GO’ITAANKII
    Maxaa wali na dhexdhigey Faroole iyo Jurile.

    – Nag waxaa ugu liito, nin tagey oon la tebin

    – Dumarna waxaa u liito
    Naag Carootey, oon LOO JUUQIN.

    * MA NAGA HUBTAAN INEY NIMANKU YAHIIN JABERTI DHALAD AH.

  4. 100 boqol mar ka badan ayey dhaheen waan goosaneynaa Saxara GARAS IYO QURAC.

    * Milish Milish iga dheh

  5. ASC.
    Dabshid adeer, waad qaldantahay Jurile waa nin SOMALIA oo cadkiisa dhacsana Faroolana waa nin Qabiil Wax Somali la yiraahna shaqa kuma laha. WBT

  6. Dabshid
    Imaam berri waxaa xariga laga jari doonaa garoonkii stadium muqdisho ee aan maalin hore kasheekaysanaynay minashiibiyo iyo madbacada anigu waxaan fariisan jiray dhinaca dabka iyo dhinaca qoraxda shiidkaan ahaan jiray adiga waxaan umalayn dhinaca VIPda faarax sandiko agtiisa kkkkk

  7. Gedo Land

    Kkkk

    Garoonka haddii la furo, waxaa bilaaban cayaarihii Gobolada.

    Yaase markaan u dheela Kismaayo ineen ragii dheelijirey Bombaasa ayey u guureen

    Waxaa yimid kuwo ku dhexludaa inta u dhaxeyso AARGADA IYO XERO GUULWAADE.

    AGAH AGAH ina Aabow xaguu naga jiraa gurigii Adeer Axmed Islaam

  8. Ahmed Somali

    Kkkk

    Odey Jurile waxaan ku bartey London

    Oo waliba Gar gogol noogu dhigtey asagoo leh -Maxamed Dheere ayaa LAAMIGA JOWHOR NOOGU XIIREY ANIGA IYO C/LLAAHI YUUSUF

    – Yes waa nin og ineysan Reer Qurac ka maarmin Xamar iyo xigteeda, lkn Waa MAS

    Anigu waxaan Reer Bari ugu Jeclahey FAROOLE WLH maxaa yeelay waa nin cadeysto wuxuu rabo ama aaminsanyahey (soo maahan ninkii dhahey Rasalwasaare Saacid iyo Xassan Shiikh waa isku XAAFAD) yacni nimaan Majeerten aheyn uma dhaho reer Qurac.

    * Governor Geedo tiriye Mr Gaas iyo CIILTIRE FAROOLE waa loo baahanyahey

    Ogow anigu waxaan taageera Mr Trump
    Oo cadeystey Calooshiisa.

  9. Dabshid
    Kkkkk kkkkk mawaxaad leedahay Kismaayo xitaa cabdi xaaq oo kale lagama helaayo .dadka hada Kismayo jooga hadaad banooni kahadasho waa kula yaabayaan meel laga maro xitaa mayaqaanaan

  10. Fasax summer ayaan ku jiraa oo qoraxaysansyaa, fadhikudirir waqti uma helo.
    Waan arkaa in dooli meelkasta ku boodboodayo ileen mukulaal aan joogine.
    Somalia waxaa dumiyey Ilkayar iyo Hiraab aqli ku dumiyeen soo celiyeen
    Laakiin anina dhulkeenii waa dhisan oo naga badan.
    Federal waaba ka noqonayn, hadda ka dib confarederstion.
    Waxaa ku xoga, independent Puntland, 1/3 of Somalia.
    Wir Baraxley isoo dhaafa najid sayn leh.👎

    • confarederstion= confederation= magac lee ka dhexeeya ee awood qaybsi kama dhaxeeyo= mahaaga leedahay anigaa mahayga,xitaa madaxweyne waa meerto ama nakala wada.
      Cayaar ma dhawa.

  11. ASC.
    ALLOW maxaan dad ku hungoobay MIDKAAD istiraah Cad Somalinimo ah baa ku jira WAXAAD arki isagoo reer abbaandule u ah oo Caqli iyo Aqoonba tuuray HADDANA tii unbaa igu soo noqon OO AH INUU IGU JIRO DHIIG 5BEELOOD.≈©≈Ayyaamihi ugu horrey 1991ki annagoo tobaneeyo ama kaba badan oo iska Qayilayna oo ka sheekaysanayna dagaalada AYYAA midi intuu sheekadeenni ka qawaafsaday ayyu Naweydiyay inuu nagu jiro cid uu Daarood wax u galay SAA badanken ayyaa Gacanta taagtay MARKAASU intuu istaagay yiri; “Belo ku degtay War caawanba sigtay oon BARBAR XAARAN dhexgalay”.≈©≈WAA kaa caqliga; Dabshid, Laalays iyo Xaange. WBT

Leave a Reply to GEDO LAND

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented