|

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Guusha Diblumaasiyadeed ee Hoggaaminta golaha QM

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda.

“Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay.

Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29181

Posted by on Jun 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Guusha Diblumaasiyadeed ee Hoggaaminta golaha QM”

  1. Wiilasha N&N hadday xilka banneeyaan Soomaaliya waa loo yaabaa waayo cid baddali karta oo xidtaa rubucood buuxin kara mucaaradka hadda kuma jiraan… Xaqiiq…

    Alle hay noo daayo isagaa awoodee…

  2. Kalsame.

    Kkkkkk

    Marba hadaad harti iyo hiraab. Sabaaxad. Meel la dhigteen. Ayagoon isa salaameyn.

    Waad xadrayn kartaa. 7 bilood ayaa idiin haray. Xisaabka ku darsada.

    Isha farta hayska gelinina. Intaasi waa talo.

  3. Nabad iyo Nolol waa fikrad saamayn ku yeelatay inta badan somalida.Fikrada wadaniyada xambaarsan ee Hogaanka wadanku way jiridoontaa.

    Sideedaba qofku waa tagaa,laakiin fikradu ma tagto.qofka ka dameeya Formaajo wuu ku qasbanyahay inuu u shaqeeyo sidii Formaajo – saa dadku ma aqbalidoonaan mid meesha ku yimaada Reer nimo oo lacagta iska gurta sidii xasan sheekh.Mid 3 Raysal wasare yeesha 3 sano dhexdood.

    Doorkan soo socda waa qasab in nabad iyo nolol soo baxayso,taasi shaki kuma jiro.

    way iska jiraan dad masaakin ah oo cadiifad la ildaran,maalin faraxsan oo maalin kale cadhaysan.Kuwaasi go’aan ma laha ee waxay la socdaan dhacdooyinka.

    Ciyaaro badan ayaa soo socda.

    Dalmida

  4. @Garqaad abti,Kalsame waan kaga duwanahay taas,WALI WAA FARMAAJAYSAN YAHAY.
    Waa la heli karaa kuwo la mid amaba la fiican.
    Balse Garqaad kii yimaadaa wuxuu u imaan dawalad laga baqaayo,oo barasaab meel isku xiray uusan baadayn.
    Maamuladdii seediyaashay M laaluush aa nafta looga qaaday nin qaraabada,saaxiibna aan nahay ayaa ugu yiri seediyaashii talooyinkii aad hawada u marin jirtay Farmaajo ayaa ka faaiidaystay.25% in la iska qaato madaxweyne aan waxba la weydiinayn oo loo digdiglaynaayo oo dhamaatay kusoo dhawow haddii nasiibka kusiiyo+SACAB IYO UBAX.
    FARMAAJO DALKA KALIGIIS MALAHAN WAA WADA LEEYAHAY.

  5. Garqaad

    kkkkkk Iyo 7 bilood oo ay Xaliimo ku dartay…

    Horta sxb Harti kala reeb, waxaad tiraahdaa Majeerteen & Mudulood. Annagu isma aynaan tusine Rabbi baa is tusay, xaq baa feera ka dillaacay jaalle.

    Aan ku su`aalee sxb yaa baddali kara nimankan ood haysaa adigoo Alle ka baqaya?. Ma jiraan waa iyaka iyo baabbah… Ma aqaan qoon cusub inay cirka ka iman doonaan oo la mid ah ama dhaama…

  6. Somaali jecel. Salaan kadib.

    Wax yaabaha qaar waan kula ogolahay. Oo at ku kala bedelan yihiin dowladda farmaajo iyo midii xasan sheekh.

    1 xasan sheekh. Waa nin aan dalka weligii ka bixin inbadana ku dhex sheqeeyay xiliyadii xumaa. Wuxuu ogaa halka uu gaaray burburka dalka. Halka ay qabyaaladu gaarsiisan tahay. Sidaas daradeed. Isagu wuxuu qabay aragti ah in laysu tanasulo in wax walbo lagu xaliyo wada hadal. In aan la dhihin Anigaa maanta joogo waxaan rabo halla yeelo. Wuxuu isku dayi jiray hogaamiyaasha siyaasadda in uu la macaamilo wax yaabaha qaar caqad noqon karana uu ka tanasulo. Dowladiisu wexey ahayd talo wadaag.

    2 madaxweyne farmaajo dalka wuxuu ka baxay ayadoo dowlad wax walbo loo hoos yimaad ay kataliso. Ilaa inta laysla burburay marna dalka muusan imaan. Isaga dowladiisu wexey qabtaa aragti ah wax walbo in ayaga loo hoos yimaado. In aysan socon wexeysan ayagu dhihin.

    Marka sidaas ayey ku kala bedelan yihiin. Labada xukun ee isku xigay.

    Hadaan u soo laabto dowlad adag.
    Abtoow. Waxaa wanaagsan in aynaan xaqiiqda ka fogaan. Adeega in afka laga sheego waxba soo kordhin meyso. Ee waa in ay muuqataa. In aad dhahdo axmed madoobe. Diyaaradu ma aadi karto. In aad dhahdo Hadana. lama hadlaayo. Hadana aadan awood u laheyn in aad fuliso wax miyaad kala fogaysay mise waxbaad isu soo dhawaysay.

    Dowladda farmaajo. Wexey diiday in ay sii wado wada hadaladii Somaliland.

    Markii danbe waa lagu qasbay in uu jabuuti kula kulmo ayagoo weliba qorshe la.aan ah.

    Farmaajo wuxuu dhahay. Ma aqoonsani axmed madoobe mana hor fadhiisan doono.

    Waxaa lagu qasbay in uu aqoonsado. Ee weliba uu la kulmo. Oo waaba kaas axmed madoobe maanta diiday in uu farmaajo la kulmay.

    Hadaba su.aashu waxa waaye. Hadiiba qof aan Somali aheyn aad ogtahay in uu kugu qasbi karo maxaa diiday in aan anigu somaliga madaxa u salaaxo anigoo qiimeynaayo awooda dowladeed ee dalka ka jirto?

    In shacab la cuna qabateeyo adigoon Ninkii xooga ku haysto ka dul qaadi Karin sow maaha daciifnimo?

    Pudland iyo dani. Maanta wexeyba marayaan in ay dhahaan. Waan ka tashaneynaa dowladda xamar. Adeega aad sheegeyso. Iyo dowladda soo socoto in u imaaneyso dal laysku dabariday annagu ma aragnee walaaloow xageey ka jirtaa?

    Hadaba aan xaqiiqda wada sheegno. Ama nin walbo ina adeerkiis ha difaaco isagoo xumaanta mid kale u saraayo.

    Xasan sheekh waa loo yeeri jiray. Farmaajana waa loo yeeriyaa. Hadaad taas midka duwan aaminsan tahay. Adigeey kuu talaa.

    @kalsame.

    Waxaa bedelaayo. Oo kaga fiican dowlad wanaaga iyo iso soo jiiditaanka shacabkaan qabyaaladu kala geysay. xisbiga. UPD Part ee uu hogaamiyo. Ex madaxweyne xasan sheekh maxamuud.

    Anigu qofka kaliya een isleeyahay somalida waa isu keeni karaa hadii waqti la siiyo. Waa exmadaxweyne xasan sheekh.

    Nabad iyo nolol. Ayagoo waqti fiican kusoo aaday. Oo ay la kulmeen isbedelkii siyaasadda itoobiya. Ayagoo meesha ugu yimid nidaam dowladeed oo meel laga jaanqaado leh ayagoo u yimid ciidan dhisan oo degaano badan alshabaab ka xureeyay.

    Marka runta la sheego wax badan maysan qaban.

    Kaliya wexey amaan gooniya ku leeyihiin in aysan is qaban. Labada mudane ee dalka ugu sareyso inkastoo booskaas ay ku bedeleen gudoomiyaashii barlamaanka.

    Qabyo NINKEEDAA dhamaystiro.
    .QABYO NINKEEDA DHAMAYSTIRO.

    XISBIGA UPD AYAA NOO BALAN AH.

  7. Garqaad

    Ciyaarta golaha ka daa jaalle. UPD ku lahaa. War naga aammu. kkkk Ma dadka iyo dalka cid xaraashtaan ku waydiiyay mise hoggaan la tartami kara xisbul xaakimka?.

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented