|

MUUQAAL: Sheikh Baladka Boorame oo Siwayn u taageeray MD. Farmaajo iyo Khayre, Muxuu ka yidhi Xaalada dalka ?

Boorame ( Kalshaale ) Sheikh Xasan Daheeye oo kamid ah Culimada Waawayn ee magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa siwayn u taageeray Madaxwaynaha DF Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadiisa, wuxuuna sidoo kale ka hadlay Arimo kala duwan oo la Xidhiidha xaalada dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Qofkii doonaa ha Qayliyo, Madaxwaynaha maanta jooga [Farmaajo] waa Soomaali, waana Muslim ,  Inta uu Ninkaasi jooga isaga iyo Saaxiibkii Khayre wax aan diido kumaan arag, Waxaase la yaab leh in wixii ay qabtaan aan la arkin” Ayuu yidhi sheikh Xasan Daheeye oo taageeray Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisay goobaha danta guud.

“Hadaad ka Xanaaqsan tihiin inaydan waxba soo qaban, Markii aad joogteen,  iyadoo ragga qaar kood ay badda Saxiixeen,  Waxaan leeyahay maanta Dawladnimo ayaa kasoo iftiimaysa Xamar,  “ Ayuu yidhi Sheikh Daheeye.

“Madaxwayne Maxamed C.laahi Farmaajo  , Xasan Cali Khayre iyo Dr. C.raxmaan Bayle Waan u ducaynayaa, waxaan leeyahay Alle garabkiina ha galo, Soomaaliyeey ha eegina Qabiil iyo dan, balse eega Soomaalinimo “. Ayuu yidhi  Sheikh xasan daheeye.

Wuxuu sidoo kale Bogaadin u diray   Hogaamiyaha maamulka Galmudug oo Hada qaaday Tallaabooyin lagu diirsaday.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arinta doorashada iyo Hadalkiii ay dhowaan jeedisay Xaliimo yarey, Wuxuna xusay inay soo bandhigay Arin Cilmi iyo aqoon ku fadhida, wuxuuna dhaliilay siyaayiinta ka codsaday inay is casisho.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29175

Posted by on Jun 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “MUUQAAL: Sheikh Baladka Boorame oo Siwayn u taageeray MD. Farmaajo iyo Khayre, Muxuu ka yidhi Xaalada dalka ?”

  1. Somali galbeed

    DAAHEEYE WARKIISU WAA CAD YAHAY N&N WAXAAN AHAYN WARKOODU MA GALO, BALSE WAXA UU ARKO LA LAMA ARKO, MASE SHEEKHU SOMALAND BUU KULU LAYSANAYAA..

  2. Allow Culumada wax garadka ah noo dhowr, sheikh Hassan waa Nin Culumada ka mid ah wuxuu arkay kama been sheegi karo ee iimaankiisa buuxa ayaa siiyey in ka run sheekho guulaha idaba jooga ah. Doqona cidi u sheegimayso. Sheikh caqligaga Alle ha kuu dhowro, waa sidaa aad sheegtay Dowlad daacada ah oo aan dalka ka shaqaysanayn ee u shaqaynaysa dalka iyo danta dadka ayaa la helay.

  3. Maasha alaah shiikh xasan daheeye alaha kuxafido geesi soomaali oo samaroon ah

  4. Sheikh baan ahay aarmaajona waxaan Ku amaanayaa tiyaatarkii buu dhisay oo ah xerada fusuqa iyo fasahaadinta dhalinyarada isuma Kay qaban

Leave a Reply to Muslimo

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented