MUUQAAL: Sirta Turkigu uu Dalalka Carabta ee Qaniga ah ku dhaafay Iyo Soomaalida waxa la gudboon

Istanbul ( Kalshaale ) Dalka Turkigu wuxuu ka mid yahay dalalka Caalamka ee Mudooyinkii ugu dambeeyay ku tallaabsanaya Horumarka kala duwan, sidoo kalana wuxuu dalka Turkiga Xooga saaray inuu gaadho Isku Filnaansho Buuxa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu siwayn kor ugu qaaday wax soo saarka dalka, wuxuu daboolay inta badan baahidii bulshadu u qabtay in dalal shisheeye ay wax kala soo degaan, Wuxuu sidoo kale Turkigu Horumar iyo isku Filnaansho ka gaadhay dhinaca difaaca, Wax soo saarka Hubka Noocyadiisa kala duwan, Iyadoona ay dhowaan Caalamka uga yaabsaday Diyaaradaha aan duuliyuhu wadin, oo Guulo waawayn kasoo hooyey dagaalo ka dhacay suuriya iyo Liibiya.

Dhinaca kale dalalka Carabta oo ka dhaqaalle badan dalka Turkiga marka loo eego shidaalka ay haystaan, Iyo Tirada dadkooda oo aad u yar, hadana ma aysan gaadhin wax isku filnaansho ah oo waxkasta oo ay u baahan yihiin dibadda ayaa looga keenaa . Hadiiba la dhaho hubka la idinka iibin maayo, Lacagta miyay cunayaan ?.  Sidoo kalana Qorshe kama aysan yeelan wax soo saarka dalkooda.

Waxaa Tusaalle kuugu filan dalka Qadar oo markii 2017 Cunaqabataynta la saaray , Caanaha ay Cabaaan dalka Turkiga looga soo qaaday, sidoo kalana uu turkigu la garab istaagay ciidamo ka difaacay inaan dalkaasi la qabsan.

Barnaamijkan oo Xog badan Xambaarsan waxaad sidoo kale ku daawan doontaan Waxa la gudboon Bulshada Soomaaliyeed,  Qaabka ay wax ku dooranaysa,  Qabiilka  Qof wanaagsan sida looga Xulan karo, iyo Arimo kale oo Xiiso badan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Talooyinka Khubarada Amni ee Turkigu Ka Bixiyeen colaadda Armenia
- Sep 29, 2020
Ankara ( Kalshaale ) Talooyinka Khubarada Amni ee Turkigu Ka Bixiyeen colaadda Armenia
MUUQAAL: Fariinta Diyaarada Bayraqdaar u dirtay Armania oo Xiisad dagaal kala Dhaxayso Azerbaijan
- Sep 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Fariinta Diyaarada Bayraqdaar u dirtay Armania oo Xiisad dagaal kala ...
MUUQAAL: R/wasaare Rooble oo Kulan la Qaatay Safiirada dalalka Caalamka ee Soomaaliya
- Sep 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ...
Dagaalo Qadhaadh oo maalintii Labaad Dhexmaraya Dalalka Azerbaijan iyo Armenia
- Sep 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa galay ...
Magaalada Melbourne oo Xayiraadii Laga Qaadey iyo Soomaalida oo ka hadlay
- Sep 28, 2020
London ( Kalshaale ) Magaalada Melbourne oo muddo ku dhow sedex bilood Bandow saarnaa ...