|

Daawo : C.laahi Sheikh “Madaxda Puntland waxay Muujiyeen Xaasidnimo, Garoowe Xaramkii maaha”

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay ansixinta qoondada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo doodda iyo diidmada ay ka keeneen reer Puntland, Wuxuuna Dowladda ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey sidii ay uga soo shaqeysay ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdulaahi Shiikh Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ah inaysan aqbali doonin xaqsiinta Gobolka Banaadir, Wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid muujinayo xaasidnimada ay u qabaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa soo baxayey warar lagu diidayo xaqsiinta Gobolka Banaadir, haba u badnaadaan Maamulka Puntland oo diiday, taas waxay muujineysaa xaasidnimada ay u qabaan shacabka Muqdisho, Dadka Muqdisho qabiil gaar maahan, waa lagu kala badnaan karaa balse waa magaalo la wada degan yahay, haddii 13 xubnood loo ansixiyeyna taas kama dhigno in reer gaar ah la siiyey,” ayuu yidhi Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay in Maamulka Puntland uu dagaal ku hayo dadka Muqdisho “Runtii waxaan  aragnaa in Maamulka Puntland uu dagaal kula jiro Shacabka Muqdisho, taasna waa mid aan aad uga xunahay”.

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ka yimaado Puntland ay xilal ka qaban jireen Muqdisho sida inay noqdaan madaxweynayaal iyo Ra’isul wasaarayaal, wuxuuna xusay in dadka Muqdisho ay si fiican ula shaqeyn jireen si shuruud la’aan ah, Wuxuuna Shacabka Puntland ugu baaqay inaysan madaxdooda ku daba kicin Khaladkaan ay sameenayaan.

Wuxuu madaxda DFS ku bogaadiyey inaysan Garoowe la hayste u noqon, iyadoo la aadi jiray halkaasi xiliga doorashada, Wuxuuna tilmaamay inaysan garoowe ahayn Xaramkii.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29153

Posted by on Jun 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Daawo : C.laahi Sheikh “Madaxda Puntland waxay Muujiyeen Xaasidnimo, Garoowe Xaramkii maaha””

  1. Kani waa cool box

  2. Muqdisho waa magaalo Hawiye hadda marka waa labo miduun in laga raro magaalo madaxda ama Somalia loo qaybiyo dadal fara badan oo qabiil ku dhisan sababtoo ah yaa wax la qaybsankara hawiye oo degan guryo dad Muslim ah una haysta xalaal waana iyagoo dhan culimo iyo caamo marka Puntland anigu maaha laakiin way ku saxan tahay haddii dastuurka la furayo waa in Somalida maamuladeedu wada ansixiyaan marka in walowba dhulkaaga dhiso ugana taga Muqdisho hawiye sidoodii hays xoogeen hana iskufsadeen sidii lagu yaqiin. Weligeed lama arag caasimad reer sheeganayo marka ninkii hawiye wax ka sugow adaa waalan

  3. Ninkaan soo ninkii shariif sakiin wasiirka u ahaa maaha

    • LIBAAXANI
      WAA
      DIRTA KOONFUREED
      WAA
      REER

      BIYAMAAL BINU AHMED

      WALAALA YIHIIN
      REER

      SHEEKH ISAXAAQ BINU AHMED
      AYUU KA DHASHAY.

      @ AAN KALA TASHANO.COM

    • ASC.
      GEDO LAND, CALAAMADDA suàaasha MAXAY TARAYSA HADDAAN LA ISTICMAALAYN?. WBT

  4. Yes👍👍👍👍👍👍👍Cabdulaahi sh waaruntaa waliba inaad usheegtaa fiicneeyd waxay yihiin iyo waxay ikadhigeen adeeryaal kuqabso kuqadi maysid waadhamaatay edeb kayeesha umada maalulada aad kamid tihiina kamida ahaada warmutrtiyeed iyo warsaxaafadeed iyo dawlada buqland iyo nihiidi hindiya aad kuwareeriseen meel kala fariista ama go.a ama hagoina cid aad waxuhaysaan ayaanba jirine who cares hadaad go.daan iyo hadiikale

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented