Daawo : C.laahi Sheikh “Madaxda Puntland waxay Muujiyeen Xaasidnimo, Garoowe Xaramkii maaha”

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay ansixinta qoondada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo doodda iyo diidmada ay ka keeneen reer Puntland, Wuxuuna Dowladda ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey sidii ay uga soo shaqeysay ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdulaahi Shiikh Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ah inaysan aqbali doonin xaqsiinta Gobolka Banaadir, Wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid muujinayo xaasidnimada ay u qabaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa soo baxayey warar lagu diidayo xaqsiinta Gobolka Banaadir, haba u badnaadaan Maamulka Puntland oo diiday, taas waxay muujineysaa xaasidnimada ay u qabaan shacabka Muqdisho, Dadka Muqdisho qabiil gaar maahan, waa lagu kala badnaan karaa balse waa magaalo la wada degan yahay, haddii 13 xubnood loo ansixiyeyna taas kama dhigno in reer gaar ah la siiyey,” ayuu yidhi Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay in Maamulka Puntland uu dagaal ku hayo dadka Muqdisho “Runtii waxaan  aragnaa in Maamulka Puntland uu dagaal kula jiro Shacabka Muqdisho, taasna waa mid aan aad uga xunahay”.

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ka yimaado Puntland ay xilal ka qaban jireen Muqdisho sida inay noqdaan madaxweynayaal iyo Ra’isul wasaarayaal, wuxuuna xusay in dadka Muqdisho ay si fiican ula shaqeyn jireen si shuruud la’aan ah, Wuxuuna Shacabka Puntland ugu baaqay inaysan madaxdooda ku daba kicin Khaladkaan ay sameenayaan.

Wuxuu madaxda DFS ku bogaadiyey inaysan Garoowe la hayste u noqon, iyadoo la aadi jiray halkaasi xiliga doorashada, Wuxuuna tilmaamay inaysan garoowe ahayn Xaramkii.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Garqaad says:

    Kani waa cool box

  2. Dhegdheer says:

    Muqdisho waa magaalo Hawiye hadda marka waa labo miduun in laga raro magaalo madaxda ama Somalia loo qaybiyo dadal fara badan oo qabiil ku dhisan sababtoo ah yaa wax la qaybsankara hawiye oo degan guryo dad Muslim ah una haysta xalaal waana iyagoo dhan culimo iyo caamo marka Puntland anigu maaha laakiin way ku saxan tahay haddii dastuurka la furayo waa in Somalida maamuladeedu wada ansixiyaan marka in walowba dhulkaaga dhiso ugana taga Muqdisho hawiye sidoodii hays xoogeen hana iskufsadeen sidii lagu yaqiin. Weligeed lama arag caasimad reer sheeganayo marka ninkii hawiye wax ka sugow adaa waalan

  3. GEDO LAND says:

    Ninkaan soo ninkii shariif sakiin wasiirka u ahaa maaha

  4. Igland says:

    Yes👍👍👍👍👍👍👍Cabdulaahi sh waaruntaa waliba inaad usheegtaa fiicneeyd waxay yihiin iyo waxay ikadhigeen adeeryaal kuqabso kuqadi maysid waadhamaatay edeb kayeesha umada maalulada aad kamid tihiina kamida ahaada warmutrtiyeed iyo warsaxaafadeed iyo dawlada buqland iyo nihiidi hindiya aad kuwareeriseen meel kala fariista ama go.a ama hagoina cid aad waxuhaysaan ayaanba jirine who cares hadaad go.daan iyo hadiikale




Colaada Beelaha oo Mashruuc Cusub Ka noqotay Gobolada SSC iyo Wafdi ku baxay Gobolka Sool oo Shil galay
- Aug 13, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Wafti  Isimo iyo Cuqaal ah oo kasoo baxay  galabta magaalada ...
MUUQAAL: Axmed Karaash oo Garoowe kusoo Noqday iyo soo dhowayntii uu la kulmay
- Aug 13, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe lagu soo dhoweeyay ...
MUUQAAL: Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar Xiiso leh
- Aug 13, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar ...
Muuqaal: Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta oo lagu qabtay Muqdisho
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta ...
Maraykanka oo War Xasaasi ah kasoo saaray Doorashada Somalia iyo Xiligeeda inay ku dhacdo !
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo maalin keliya ka hadhsan tahay shirkii Dhuusamareeb isla markaana ...