|

MUUQAAL: Askarigii dadka ku dilay Muqdisho ee Kacdoonku ka dhashay oo Maxkamad lasoo taagay

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka Bilowday Dhageysiga dacwadda kiiska Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay laba qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga ay dacwadiisa u fadhiisatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waqtigii Muqdisho lagu soo rogay bandowga sababo la xidhiidha Koroona Fayrus wuxuu gurigiisa ku hor toogtay Allaha u naxariistee Xasan Cali Cadaawe, iyadoo isla xabadaasi dishay Madiino Cabdullaahi Cabdi.

Dilkaas ayaa sababay kacdoon ay sameeyeen shacabka Muqdisho oo lagu gubay sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna soo riday tabeelooyin ay ku dhegnaayeen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga dilalkaas geystay lagu fuliyo ciqaab u qalanto falka uu geyustay oo ah Qisaasta marxuumiintii uu dilay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto kiisaska loo heysto Dable Xasan Aadan Maxamed.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29148

Posted by on Jun 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented