MUUQAAL: Hadalkii Madaxwayne Deni ee Arinta Muqdisho ! Hada Maxaa iska bedalay Puntland oo ay ka Boodey ?
Muqdisho ( Kalshaale ) Khudbad uu horay uga jeediyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni Shir laguq abtay Garoowe, Wuxuu ku soo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xilligaas Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in hadii ay yihiin reer Puntland ay dhibeyso in maqaamka Muqdisho uu ku jiro dood aan dhamaaneyn, Wuxuuna xusay in Puntland ay diyaar u tahay marti-gelinta shir looga tashanayo qodobada ay doodaha adag hareeyeen, kuwaas oo uu markaas ka xusay maqaamka Muqdisho.
“Waxaan jecelahay in maanta aan halkan ka sheego, in Puntland ay diyaar u tahay inay marti-geliso qodobada aadka looga dodo oo mar walba soo noq-noqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho, in Garowe looga hadlo, Muqdisho waa magaalo madaxda Soomaaliya. Waa magaalada astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeedu inuu dood aan dhamaaneyn ku jiro aadbey noo dhibeysaa xaqiiqdii,” ayuu yidhi Siciid deni.
Haatan oo Muqdisho loo ansixiyey in markii ugu horeysay metelaad ku yeelato golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay arrintaasi dhakafaar ku noqotay xukuumadda iyo metelayaasheeda heer federaal ee Puntland.
Axaddii shalay kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland waxaa looga dooday ansixintii xildhibaanada golaha shacabka heer federaal ee metelaada Muqdisho, taas oo ogolaaney in 13 xubnood Muqdisho loogu daro golaha Aqalka Sare.
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka carooday go’aanka golaha shacabka ee xaqsiinta Muqdisho, oo kulankoodii kadib warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland ka codsaday inay ka ku dhawaaqdo madax-baani ah, inay Puntland ka go’do Soomaaliya inteeda kale.
HALKAN KA DAAWO HADALKII MADAXWAYNE DENI
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29138
Waa hadal Munaafaq
Hadalka hore waa munaafaqeyn MASEYR FARMAAJO
Midka Dambana waa Munaafaqeyn Cadkii Ciddu u Ciilaneyd.
* Aboor Sool iyo Quraanyo Bari equal
= Wariiri Xamar joogo.
Mogadishu MAQAAM…..kkkkkkkk
What does that mean….
Mogadishu MAQAAM!!!! Is Mogadisho not the capital city of Somalia?
Capital city of Somalia, isn’t that a MAQAAM? Does it not enough MAQAAM?
If the capital city of Somalia is not enough MAQAAM, so what? What does the MAQAAM mean? I didn’t get it!!!!
MEERAYSTAYEEY
MEEHANAABAYEEY
MASIIRKAYGII
GARAN WAAYAYEEY
MAROORYOODAYEEY
MAROORO DILLAACAYEEY
MADHEERTEER TOOBAYEEY
MALLAYGII
QUDHMAA
EEN MALAFSAN
JIRAY
KA MUNGUUGAYEEY
KKKKJKJIKJIKJIJI
21
BEENNTII MADHEERTEEN IYO WIXII MADAX MADAW BAA IS LE’EG IYO (IDAHA) SOOMAALIDUNA MA MADHEERTEENIA BAA?!.
IYO FAATAA BAKHDOODII
HAWIYE WUU FAHMAY UUN IGA IGA DHEH.
@ YOOCADA.COM