Xaliimo yarey oo Jawaab ka bixisay Eedayntii uga timid Madasha Sheikh Shariif Hogaamiyo

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeyn uga timid xisbiyada qaar, gaar ahaan kuwa ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ee uu guddoomiyaha u yahay Madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddigooda uusan wax eed ah laheyn, islamarkaana ay horey u shaaciyeen inay maqan yihiin waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada.

Iyadoo ka jaabeysa hadalkii Madasha Xisbiyada ay shaaciyay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka uusan laheyn wax dambi ah oo la xariira shaqada loo igmaday, islamarkaana uu isku casili karo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Anaga waxaan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo haqadii naloo diray aan qaban weyno,feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tidhi” Guddoomiye (Xaliimo Yarey).

Ugu dambeyn waxa ay soo jeedisay in laga wada shaqeeyo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa waxyaabaha aas-aasiga u ah, sida dhaqaalaha.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo guddiga doorashada uu baarlamaanka ka jeediyey warbixintii laga sugayey ee doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka, isaga oo soo jeediyey labo nooc oo waqti dheeri ah u baahan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Siciid DENI oo Weerar ku Qaaday Gudoomiye Mursal (Daawo)
- Jul 7, 2020
Garoowe ( Kalshaale ) Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa weerar afka ...
Wararkii ugu dambeeyay CIidamo ka tirsan AMISOM iyo Qarax loo dhigay
- Jul 7, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka ...
IMAARAADKA Carabtu Muxuu ku Caashaqay IIRAAN , Miyuu kasii durkayaa Sucuudiga ?
- Jul 7, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale ) Khubaradda dalka IIRAAN ayaa rumeysan in Imaaraadka Carabtu uu ka ...
Waraysi Xiiso leh : Safiirka Somalia ee QM Abuukar Baalle “Somalia Hada waxba looma yeedhiyo” (Daawo)
- Jul 7, 2020
Minneapolis ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Xiiso badan oo ...
Dawladda Shiinaha oo Maamulka Taiwan ku eedeeysay inay ku Geftay Qaranimada Soomaaliya
- Jul 7, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay si ...