MUUQAAL: Abwaan Dhalinyaro ah oo dhowaan Maanso ku dhaliilay Muuse Biixi , oo Xabsiga Hargeisa la dhigay

Hargeisa ( Kalshaale ) Wararka Caawa naga soo gaadhaya magaalada Hargeisa ayaa waxay sheegayaan in Xabsiga la dhigay Wiil Dhalinyaro ah oo Hal-Abuur ah, kaasi oo lagu magacaabo Shucayb yare.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xadhiga Shucayb yare ayaa la aamisan yahay inuu salka ku hayo Maanso uu dhowaan tiriyey, taasi oo la yidhaahdo Askari door siyaasadeed maleh.

Show Askari digtoonoow, Dib u jeeso mooyee, Door Siyaasadeed Maleh “

“Show Askari dagaal iyo, Dirir iyo Colaad iyo, Hub Daryaama mooyee, Naxdin iyo dareen ma leh”

“Show Askari ku duul iyo , Baloodhada ku dood iyo , Dhulka Dayro mooyee, Maatida ka daa maleh “

Kuwaasi waa Qayb kamid ah Erayada Maansada uu tiriyey Shacayb yare Waxaa la aaminsan yahay inay si gaar ah ugu socotay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Show Askari dir sooc iyo, Qoys daadahee iyo , ku tax darajo mooyee, Garashiyo Damiir maleh.”

Waaryaa Dunuub wadde,  Dadba yaad xukumaysaa,  Sow kuwaa didee tagay, Sow kuwaa dalkii Nacay, Kuwa kale Xabsigu dilay, Diidney Calan castaadee, Daantaada maamulo “.

Xadhiga Shacayb yare ayaa ahaa mid horay loo saadaaliyey, waxaana dad baday ay Qaybta Falcelinta ee dadkii baahiyey Maansada ugu gudbiyeen {Inuu Xabsi isku diyaariyo, iyo inuu Liinta soo cabi doono”.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL | SHUCAYB YARE

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Taleex boy says:

    Waa qaran dumis kkkkkkkkk

  2. Ahmed Somali says:

    ASC.
    WAA UUN DABEECADDI °C/MAALIG SOO DAA °SHUCAYB YARANE DABAMARI. WBT

  3. Hobyo man says:

    Awoow cay ma kuu quuri ye adi cidlaa ku dishee waqtina ma kuu harine cibaadada badso warkaaga dawakhaad baa ku jira farmaajo jano ku geyn maayo muuse cadaab ku geynmaayo 90 jir baa tahee ha kuu sinaadaan una qir ka sanaag sameeya

  4. Hobyo man says:

    Ahmed somali adiga awoowe kula hadlayaa




Colaada Beelaha oo Mashruuc Cusub Ka noqotay Gobolada SSC iyo Wafdi ku baxay Gobolka Sool oo Shil galay
- Aug 13, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Wafti  Isimo iyo Cuqaal ah oo kasoo baxay  galabta magaalada ...
MUUQAAL: Axmed Karaash oo Garoowe kusoo Noqday iyo soo dhowayntii uu la kulmay
- Aug 13, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe lagu soo dhoweeyay ...
MUUQAAL: Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar Xiiso leh
- Aug 13, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar ...
Muuqaal: Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta oo lagu qabtay Muqdisho
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta ...
Maraykanka oo War Xasaasi ah kasoo saaray Doorashada Somalia iyo Xiligeeda inay ku dhacdo !
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo maalin keliya ka hadhsan tahay shirkii Dhuusamareeb isla markaana ...