|

Daawo: Arooskii Ismahan iyo Axmed ee Kulmiyey Reer Hargeisa iyo Buuhoodle, Kaftan, Duco iyo Ciyaaraha Dhaqanka

Buuhoodle  ( Kalshaale ) Waxay ahayd Munaasibad Farxadeed iyo  Madal kulmisay Madaxda dhaqanka iyo Waxgaradka  Magaalooyinka Buuhoodle iyo Hargeisa .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waa Xafladii Meherka Mudane Axmed Ibraahim Cali  iyo Marwadiisa  Ismahaan Maxamed Aadan….  Oo ka ka Qabsoontay Hotel Rays ee magaalada Buuhoodle.

Lammaanaha isdoortay, ee Nolosha ku midoobay oo ku dhaqan dalka Maraykanka, waxaa Isku Meheriyey Sheikh Cumar Suudaani,  Waxaana intaasi kadib  la guda galay Ducada, Kaftanka dhinaca Dhaqanka iyo isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kalana waxaa Qayb ka ahaa dabaal-degyo Farxadeed oo lagu soo dhowaynayo , Lammaanaha Is doortay,  ee Mataaneeyay magaalooyinka Hargeisa iyo Buuhoodle.

Waxaanu leenahay  , Wadajira oo Nabad Galla .

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29108

Posted by on Jun 28 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Daawo: Arooskii Ismahan iyo Axmed ee Kulmiyey Reer Hargeisa iyo Buuhoodle, Kaftan, Duco iyo Ciyaaraha Dhaqanka”

  1. ASC.
    Culamadi Barxaadday i saxaay!!! Dadoow Waxaa i dhibta markay dadku dhahaan; “ILAAHEEN waxaan weydiisanayna!!!”≈©≈Ciddaad wax weydiisato AMA waa ku siin AMA waa kuu diidi BALSE waxaa ila quman IN la yiraah;
    “ILAAHOW waxaan kaa baryayna!!!” Taaso ah Dalab kuu maqan, SIDAAN cilmi dhagood ku Hayyana ILAAHEEN SWT WUU kaa aqbali HADDAY wax xalaala jihiin LAAKIIN waxaadan garakarin GOORTA iyo SIDUU kaaga ajiibi. WBT

  2. Dadka inta kaloo dhan si uun baa loo fahmi karaa laakiin kuwa ardaaga geela quraanka ku barta weligaa af garan maysid. Waa Axamed Somali iyo Ali Zubeer oo miidhan.
    Kani wuxuu ka hadlayo bal u fiirsada. Ali Zubeerna waa kii lahaa taalada Cilmi Boodhari loo dhisayo sow dadku caabudi mayaan. Waxa lagu yidhi Qorayshtii ayaa wax sanamyo la yidhaaho caabudi jirtay, markaa wixii guri iyo masaajid aan ahaynba sanambuu moodayaa.

  3. ASC.
    Baaruud, adeerow midee sax AH?; ILAAHOOW WAXAAN KU WEYDIISANA iyo ILAAHOOW WAXAAN KAA BARYA. WBT

  4. CS,
    Wax walba dembibaad moodaysaa, intaad is leedahay dembi ka carar bal mid kale ha gelin. Laba eray oo afsomali ah ayaad leedahay keebaa ilaahay fahmayaa, ilaahay waxaad doonayso wuu garanyaa, xataa hadaadan hadlin oo uurka ka tidhaaho ilaahay waa ka ku fahma.

  5. Baaruud awoowgay Ahmed somali cimrigii ilowguu gaaray ku waydiistay iyo kaa baryay ilaahay awoow uurkaaguu daalacanayaa ee qurbuhu wuu ku qalqaliyee tuuladaadii u soo xagaa bax

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented