Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo Taageeray Qorshihii Xaliimo Yarey ee Doorashada

Muqdisho ( Kalshaale ) Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa taageeray hababkii doorasho ee ay shalay soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey), iyadoo ka hor-hadleysay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa lagu soo dhoweeyay hababkaas, si loo gaadho doorashada tooska ee Soomaaliga illaa bilowga bisha March ee sanadka 2021, Waxayna Sidoo kale QM ku boorisay wadatashi ballaadhan oo dhex mara Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaaliya si loo gaaro wadar-ogol, sidii horay loogu sii socon lahaa

Sidoo kale waxaa ay ku tilmaameen tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday shirka qorsheysan ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dhici doona horaanta bisha July ee sanadkan 2020.

Dhankiisa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa shalay soo bandhigtay labo nooc oo doorasho ah, mid lagu qaban karo doorashada muddo 13 bilood gudahood oo ka bilaabata bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021 iyo nooca labaad oo ah doorasho labo qabto muddo 9 bilood gudahood oo ka bilaabata July 2020 kuna eg March 2021.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. Wiil hiraab says:

    Sawiradan waa leeysu keeney

  2. Dabshid says:

    7 bilood ayaa loogu dari NABAD IYO NOLOL
    Oo ay ku muteysteen iney iska sii shaahaan

    – Ninkii Neef dilo, Xaqbuu qeyb u leeyahey.

  3. Dabshid says:

    Aqristow

    Miyaad ogtahey Wuxuu metalo Aqalka Sare (Yes Maamul Goboladyada)

    Xubnaha Aqalka Sare waxey u joogaan Maamul Goboleedyada, sidaas daraadeed Madaxweynaha Dambe ee 2021 wuxuu leeyahey (Aniga miyaa diidikaro Maqaamka Moqdishaawi ileen waxey xubno ku leeyahiin AQALKA SARE EE MAAMUL GOBOLEEDYADA)

    sidoo kale waxaa Ansixiyey Parliament Sharcidejinta.

    – Si loo dedejiyo dhismaha Maqaamka Xamar, WAA IN KURSIGA LAGA ILAALIYO NIN PUNTLANDERS AH, Maadaama ay maanta Banaanka soo dhigeen calooshooda wali taagan 1991).

    Nin wali joogo 1991 laguma Aaminikaro Canshuurta iyo Ciidanka iyo Caasimadda EEDO BATUULO.

    Waaba hadey 30 cod soo dhaafaan.

    • Ahmed Somali says:

      ASC.
      Dabshidow, uusan hadal kaa tegin ILAAHEEN SWT MAHADI degaankaas Waxaa jooga Islaan Ciise OO AAN cidina Somalinimo u sheega karine. WBT

  4. GEDO LAND says:

    Gabadha ayaanle cayr daaya boqorad waaye mar haday reer bari kadhawaajisay

  5. Kalsame says:

    GOOLKII 2 AAD…

  6. Somalijecel says:

    @Dabshid UK upper house of parliament wuu leeyahay,waligaa may aragtay parliament dhexdiisa?
    What is their role or functions?
    ZERO weeye ankee ma muuqdaan.
    UNDP ayaa Cumar Cabdirashiid u soo dhiibtay Somalidu maba fahan sana waxa uu yahay upper house of parlament.
    Kenya ayaa leh waxaa ka miisaan badan national MP.Senetor Kenya wuxuu ku jiraa booskii governors. Intaas ayaan ku kala dhimanaynaa DAD WADA WAALAN.




RW. Khayre “Madax Madow ayuu Maan ku hadhay”
- Aug 12, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal waasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ...
Madaxwayne DENI oo ka hadlay Guusha Ilhaan Cumar iyo Soomaalida kale ee Maraykanka
- Aug 12, 2020
Garoowe ( Kalshaale ) Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida ...
Ilhaan Cumar oo Doorashadii Guul ka gaadhay iyo Hadal Cajiib ah oo ay ka tidhi Weerarkii ku socday !
- Aug 12, 2020
Minneapolis  ( Kalshaale )  Ilhaan Cumar oo ah Gabadh Soomaaliyeed,  Islamarkaana ka tirsan Aqalka ...
Maxay ka Wada hadleen Madaxwayne Qoorqoor iyo Cabdikariin Guuleed?
- Aug 12, 2020
Istanbul ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee  Galmudug Cabidkariin Xuseen Guuleed ayaa dalka Turkiga ...
Wararkii u dambeeyay Dhuusamareeb, Diyaar Garowga Shirka iyo Tirakoob Ciidanka lagu bilaabay
- Aug 12, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Wararkaka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu ...