|

Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo Taageeray Qorshihii Xaliimo Yarey ee Doorashada

Muqdisho ( Kalshaale ) Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa taageeray hababkii doorasho ee ay shalay soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey), iyadoo ka hor-hadleysay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa lagu soo dhoweeyay hababkaas, si loo gaadho doorashada tooska ee Soomaaliga illaa bilowga bisha March ee sanadka 2021, Waxayna Sidoo kale QM ku boorisay wadatashi ballaadhan oo dhex mara Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaaliya si loo gaaro wadar-ogol, sidii horay loogu sii socon lahaa

Sidoo kale waxaa ay ku tilmaameen tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday shirka qorsheysan ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dhici doona horaanta bisha July ee sanadkan 2020.

Dhankiisa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa shalay soo bandhigtay labo nooc oo doorasho ah, mid lagu qaban karo doorashada muddo 13 bilood gudahood oo ka bilaabata bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021 iyo nooca labaad oo ah doorasho labo qabto muddo 9 bilood gudahood oo ka bilaabata July 2020 kuna eg March 2021.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29105

Posted by on Jun 28 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo Taageeray Qorshihii Xaliimo Yarey ee Doorashada”

  1. Sawiradan waa leeysu keeney

  2. 7 bilood ayaa loogu dari NABAD IYO NOLOL
    Oo ay ku muteysteen iney iska sii shaahaan

    – Ninkii Neef dilo, Xaqbuu qeyb u leeyahey.

  3. Aqristow

    Miyaad ogtahey Wuxuu metalo Aqalka Sare (Yes Maamul Goboladyada)

    Xubnaha Aqalka Sare waxey u joogaan Maamul Goboleedyada, sidaas daraadeed Madaxweynaha Dambe ee 2021 wuxuu leeyahey (Aniga miyaa diidikaro Maqaamka Moqdishaawi ileen waxey xubno ku leeyahiin AQALKA SARE EE MAAMUL GOBOLEEDYADA)

    sidoo kale waxaa Ansixiyey Parliament Sharcidejinta.

    – Si loo dedejiyo dhismaha Maqaamka Xamar, WAA IN KURSIGA LAGA ILAALIYO NIN PUNTLANDERS AH, Maadaama ay maanta Banaanka soo dhigeen calooshooda wali taagan 1991).

    Nin wali joogo 1991 laguma Aaminikaro Canshuurta iyo Ciidanka iyo Caasimadda EEDO BATUULO.

    Waaba hadey 30 cod soo dhaafaan.

    • ASC.
      Dabshidow, uusan hadal kaa tegin ILAAHEEN SWT MAHADI degaankaas Waxaa jooga Islaan Ciise OO AAN cidina Somalinimo u sheega karine. WBT

  4. Gabadha ayaanle cayr daaya boqorad waaye mar haday reer bari kadhawaajisay

  5. GOOLKII 2 AAD…

  6. @Dabshid UK upper house of parliament wuu leeyahay,waligaa may aragtay parliament dhexdiisa?
    What is their role or functions?
    ZERO weeye ankee ma muuqdaan.
    UNDP ayaa Cumar Cabdirashiid u soo dhiibtay Somalidu maba fahan sana waxa uu yahay upper house of parlament.
    Kenya ayaa leh waxaa ka miisaan badan national MP.Senetor Kenya wuxuu ku jiraa booskii governors. Intaas ayaan ku kala dhimanaynaa DAD WADA WAALAN.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented