|

Madasha Sheikh Shariif Hogaamiyo oo Xaliimo Yarey ugu baaqday inay is Casisho !

Muqdisho ( Kalshaale) Madasha Xisbiyada Qaran  ee uu Hogaamiyo Sheikh Shariif ayaa war saxaafadeed ka soo saaray hadal jeedintii shalay ee Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yaray.

Madashu waxa ay ku celisay walwalka ay ka qabaan in hoggaanka dowladda Federaalka uu ka cagajiidayo qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda, taasoo ku qabsoonta sifo waafaqsan sharciga doorashooyinka ee habka Xisbiyada badan.

Madasha ayaa Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran ugu baaqday in ay is casilaan, ayna aheyn dhex dhexaad madaxa bannaan sida Dastuurki siiyay, kuna milmeen hoggaanka dalka, kana shaqeynayaan muddo kororsi GMDQ iyo Hoggaanka dalka ku wada joogaan.

Madashu ayaa sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 7 bisha Febraayo 2021, sidoo kale muddo xileedka Golayaasha sharci dejinta uu ku egyahay 27 November 2020, sidaas darteed ma jirto sharci u ogolaanaya inay mudada kororsadaan, kuna darsado maalin dheeri ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29100

Posted by on Jun 28 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Madasha Sheikh Shariif Hogaamiyo oo Xaliimo Yarey ugu baaqday inay is Casisho !”

  1. Odagaan koofiga dheer ya meel
    naga farisiya

  2. Xaaji koofi dheere asbuuc no
    Kaadi aan damaashadne hanaga
    Qasin qosołka iyo farxada
    An karbaashno kab iyo lax
    Kkk horta elaaaydi waa xarfaan
    Aayar beey dhuunten iyaga o
    Ciil bestood ah sida
    Kab iyo lax Uma calaacalayan

  3. Wiil Hiraab

    KKK

    Xaajiga waxaa shabaq u daadiyey Xassan Shiikh oo rabo inuu Trainka ka Tuuro.

    .-wuxuu Xassan dhaa,
    Shiikh Wuxuu dhaara adaa noo dhahaa ee naga qabo adaa Farmaajo noo keenay

    – markaas ayuu Thuma Walaahi Jeebka kala soo baxaa.

    = Maqaamka ayaa laga hadlaaya ee meel naga fadhiiso Qano Koofi dheere

  4. War kuwani waa lax dhukani abaar moog.adeer iska nasta waxaad Xadi karteen iyo waxaad dhul hantidii umada boobi karteen waad boobteene xaaladiinu waa dhadhanshaa waalan dhargaana ka daran maalin in baad baqtiyo-nasiib hesheen Marja maalin walba ciid maahane umada ka fariista horaa waxqabadkiinii loosoo arkaye isgaabiya.

  5. Dabshid
    Haduu fahmay shariif lasoo gamay war xasan shiikh caadi maaha

  6. Mursal
    Adigu xaafadee tahay horta

  7. war Shariff Allah yahdika u kaadi dee bahasha adigu… Wali ma dhaartii baad waddaa?. kkkk

Leave a Reply to GEDO LAND

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented