|

Daawo: Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho iyo Cumar Filish oo ka hadlay

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maanta  magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo Ansixintii Baarlamaanka ee matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho ay marti gelisay Soomaaliya oo dhan, isagoo u mahadceliyay codsigii Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay iyo Baarlamaanka oo ansixiyay xuquuqdii Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan iyo magaalada dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan.

“Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho”ayuu yidhi Guddoomiye Cumar Filish.

Banaan bixii maanta ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo dadweyne ka kala socda 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29075

Posted by on Jun 28 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Daawo: Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho iyo Cumar Filish oo ka hadlay”

  1. In haddana PUNTLAND lagu qabsado HOOYONIMADA waa dagaal labaad oo lagula jiro Hooyada Federalka.

    * Galmaax iyo Faarax Gololeey wixii kulmiyaan rabaa

  2. Farmaajo oo sheegtay inoo asaga ka dambeeyey 13 senators cod bixintoodii loo qaaday gobolka Banaadir libinteeduna asagu lahaa ! Waxaan wada ognahay in Farmaajo uu asagu dhisay gudigii labo week kahor lasoo shirtagay in Banaadir laga siiyo aqalka sare 7 xubnood oo waliba 4.5 loogu qaybinaayo Dawlad Goboleedyada oo dhan. Farmaajo afkiisa iyo indhihiisu isma maqlaan miyaa?

  3. Farmaajo waa midgaan dayuus ah oon mudnayn in madaxweyne loogu yeedho! waa doqon aan dareen waddaninimo lahayn, kaliya wuxuu isku dayayaa inuu kursiga ku sii fadhiyo! maqaamka muqdisho waa in heshiis lagu wada yahay! haddii muqdisho aan la wada lahayn waa in magaalo madax cusub la yegleelaa oo laga guuro muqdisho, markaas ha noqoto waxay doonto. laakiin waa magaalo madax iyo reerbaa leh is qaban mayso.

    • OO
      HAWAYE
      MA
      DAAROOD SAWAABANE AYAA ADDOONSAN JIRAY MUQDISHO IYAGAA ISKA LEHE
      @ DAGAAL DAAROOD HAWIYE.COM

  4. Congratulations…Hambalyo Hambalyo.

    Guul Banaadir State!

  5. Muqdisho ha hesho xaqa ay leedahay,laakin ha u hesho si xaq ah.

    Wax kasta oo guul ah ama guul daro ah oo la gaadho intaa uu xilka hayo Formaajo,isaga ayaa ku suntan.Guulaaha soo kordha isaga ayaa ku suntan,guuldarada isaga ayaa ku suntanaandoona.

    Xaasidnimada hala dhaafo,xaqiirnimada ha laga gudbo,oo dad ha la noqdo.
    Ninkaasi muddada u joogay oo ah 3 sano somaliya wax badan ayaa iska badalay.wax badan oo wanaag ah ayaa dhacay.

    Waxan qirayaa in alshabaab laga adkaaday,markaad eegto sida ay Reer Muqdisho u dabaal degayaan.Waxan qirayaa in Reer Muuqdisho ka baxeen bahdilaadi ay alshabaab ky haysay.

    Waa kuaaesi dabaal degaya ee afduubkii lagu hayay ka baxay.

    Well done hogaanka Nabad iyo nolol.

    Dalmida

  6. Dr bahal waan ku salaamay hadalka nuxurkiisa baad sheegtay laakiin soomaali maryooley Yaa cuqdada,xasadka,xiqdiga ka saaraya oo wadankiina dhista oo midooba Yaa ka dhaadhicinaya.ninkii TB qufacay wuxuu yiri shifo mid kalaa yiri ar is kala aal horaa looga quustee.

Leave a Reply to Hobyo Godan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented