Wararkii ugu dambeeyay Ganacsato Soomaaliyeed lagu dilay Koonfur Afrika

Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac loogu geystay meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaasi, kadib markii ay weerareen kooxo burcad ah.

Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobtiisa shaqo ku weerareen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in muwaadin kale oo Soomaaliyeed lagu dhaawacay deegaanka Devitown oo hoostaga magaalada caasimada ah ee Johannesburg.

Ruuxa la dhaawacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cumar Axmed Dhiblaawe, iyadoona ay sidoo kale baxsadeen raggii ka dambeeyey dhaawacaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada Booliska ay tageen goobaha ay ka dhaceen falalkaasi, islamarkaana ay sameeyeen baariraano dheeraad ah.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa si aad ah u soo badanayey weerarada Soomaalida loogu geysto gudaha dalka Koonfur Afrika, iyadoona aysan jirin illaa iyo hadda wax laga qabtay dhibaatooyinka iyo tacadiya kale ee loo geysto ganacsatadaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...