|

Gudoomiye Mursal oo Jawaab Kulul Siiyey Cabdi Xaashi iyo Aqalka Sare

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u jawaabay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana muuqata in cirka uu isku sii shareeray khilaafka guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu horay golaha shacabka uga hor cadeeyay “In uusan ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan, iyadoo ay jirtay in laba guddoon ee baarlamaanka ay wada saxiixdeen inay wada shaqeeyaan.”

Sidoo kale Mursal ayaa sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka, isla markaana ay waajib tahay in afartii biloodba mar uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare.

“Doorashooyinka iyo guddiga diiwaan gelinta sharciga axsaabta siyaasadeed golaha shacabka ayaa iska leh, waxaan rabaa in aad ku baraarugtaan, maadaama dastuurka uu ku jiro dib u eegis, in badana uu khilaaf ka dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, anaga ayaa waxaan go’aansanay si loo helo wadajir in Aqalka Sare aan dhahno wax uusan dastuurku siineyn nagala shaqeeya, laakiin qodobka 47-aad markaa akhrisaan Aqalkaan ayaa iska leh shaqadaas,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yidhi “Hadal jeedintii guddoomiyaha Aqalka Sare halkaan ayuu ka sheegay in uusan marna ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29066

Posted by on Jun 28 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “Gudoomiye Mursal oo Jawaab Kulul Siiyey Cabdi Xaashi iyo Aqalka Sare”

  1. Aqal aanay waxba ka aqoonbay somaliland
    Baa samaysatay e samaysta balwaakaase ha shaqeeyo waar wax aydaan afgaranayn looma dhawaado tastuur dhamaystirana ma haysaan
    Isku dhajinta Somaliland walaahi dhibka ay idinku gayso aydaan fahmin anaga wax aan ka ahayn in aanan aqoonsi caalamiya Helin laakiin Somalia way ku baabaday waa ta koobaade waxad isku daydeen in aad Somaliland ku niyo jabisaan maamulobadan oo Somalia wada hoosyimaad ood aduunka utustaan in ay Somaliland kuwan uun la mitahay laakiin ay ka horaysay uun taasi cida ay adhaxda ka jabisay waa Somalia somaliland halkeediibay ka sii socotay aduunka waxay doonto u sheektaa cadaysay in aan xamar laga xukumin shaqona ku lahayn waxad maluuqayeen maamuladii la is lagaa Somaliland adhaxda haka jabiyeen waxay bilaabeen in ay caasi kuwada noqdeen somalila iskawada diideen gaalkay doonaan la shireen calankii buluuga ahaa wada yaseen oo waxkastoo Somaliland samaysay sameeyeen qaarkood cadaysteen in ay dalyihiin Marka la waydiiyo waxay sidan uyeelayaan ay kula doodaan Somaliland oo somalia ka mida Ayaa samaysay ma hadalbaa Somalia uyaalaa ileen iyadaa ku doodaya anaa ka taliya Somaliland cida ku jabtay way cadahay sheegasho Beena intas waxa u dheer af miinshaariin somaliland shaqo ka waayay ay barlamaankeeda iyo golayaasha siyaasada ka wada qalalaasay oonay doodna kaga badinkarin hal adaygna ku gaadhikarin oo dhaqaale ka urursada aan habayaraatee waxba ku soo kordhinkarin aanay odhankarin shaqo ubaxa oo taga gobalada aad matalaysaan ileen markiihoreba been baa shaqada loo siiyay oo meelo aanay la ak dhawaan Karin baa layidhi matala markaa ku socda jabkiina anaguna horane waanu usoconaa sidaa u rafanaysaana waanu daawanaynaa e Karisxun iyana wax Wayn kula nagu dhaktee bal waakeena hor dhinta

  2. Kani wuxuu noqday fadlan lacag ku shabo.
    Waligiinba is jiid jiida wakhtigiinii waa gabaabsi labada aqal ,kooxda xaliima yarey hogaamiso iyo Kooxda Villa Wardhiigley oo iyana ku fashilmay inay qabtaan doorasho xiligeedii ku dhacda dhammaantood waa faashil.
    Waxaan sugnaa waa fawdo iyo jaantaa rogan iyo ninkii roon oo reerka u hadha

  3. Hinda

    KKK

    Ma waxaad leedahey kaalaya Jamhuuriyadda Somaliland si la idiin tabobaro,

    Huuno Maamul beeledyadaan Koofurta ka dhisan waxaa dhistey Ethiopia ee maahan WAX LOOGU QASDEY IN LAGU XUMEEYO SOMALILAND

    Isjiid jiidka ka dhaxeeyo Xamar iyo Maamuladana waa – SABABTII ay Ethiopia u sameysatay (Isku Mashquuli ayaga intey ku mashquulilahaayeeyn Ethiopia ama xoreynta Somaligalbeed).

    Kismaayo, Baydhabo, Hiiraan, Garowe dhamaan waxaa looga taliyaa ADDISS ABABA
    (Taas ayaa keentay inuu Madaxweynaha Xamar inuu ku dhaho Ethiopia-ANIGAA IDIIN SAMEYN WAXAAD KA RABTEEN MAAMUUL BEELEEDYADA -ee Salaanta iyo Safarka Ka joojiya)

  4. Guddoomiye Mursal waa FIRINBI hadba lagu yeeriho meeshii la rabo.

    Musuq maasuqa ugu weyn ee Qabyo Two sameysay waxaa ugu horeeyo

    1. Tiirarkii Dowladda dhexe oo isku qaanad galey

    a) Sharcidajintii -waa FIRINBI Mursal oo loo tilmaamo meesha Sharcigu Qabyo two tilmaamaho

    b) Maxkamaddii Kala saarilaheyd Sharcidajinta iyo Sharci FULINTA (Executive ) oo NOQOTEY WAXAAN JIRIN – sidii agaasimaha Bulaacadaha Xamar (ayaa shaqo joojin lagu sameeyey)

    Waligiin ma maqasheen GUDDOOMIYE ILKA XANAF ayaa Shaqo joojin lagu sameeyey, DHUUNTA AYUU U GALEY Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh haddana iska daa in shaqada laga joojiyee wuxuu qasbey in Amarkiisa la raaco.

    Haddana ILKA Xanaf waxaa lagu bedalay Guddoomiyahii hore ee Maxkamada sare ee Somaliland

    -maxaa hadda shaqada looga joojiyey wiilkaan yar ee Rasalwasaare Mahdi ka keenay Hargeysa Square Restaurants,

    Yacni asaga iyo guddoomiyaha Maamulka Xamar ayaa isku qabsadey shaqo (shaqada waxaa kala saarahayo Dastuurkii 60kii ONLY DASTUURKA ka jiro Dalka).

  5. Musuq maasuqa labaad ee ugu weyn waxaa waaye, in Bangiga Dhexe oo uu hayey nin aad iyo aad u yaqaaney sharciyada Bangiyada, waliba ahaa nin Shaqadiisa ka hormariyo midda naftiisaa – laga qaado oo marlabaad uu Rasalwasaare Mahdi London ka wado saqiir suuqyada taagnaan jirey – si loo marsiiyo Musuq maasuqa Canshuurta Eedo Batuulo.

    – Guddoomiye Maxkamad Sare Xamar kama jirto

    – Guddoomiye Bank dhexe Xamar kama jiro

    = Taas oo ah xisaabtan kama jiro Xamar.

  6. Aqalka sare lama yaqaan shaqadiisa.

    Odayga iska ordaya ee Mooryaanka ah Harheisa ha ku noqdo.

    Waar aaway alshabaab,Odugaa xun diliga ee malaygan la soo baxxay shaqo uu Faroole u soo dhiibay,naga dila.

    Bilaahi ca;leek Mooryaan oo dhan naga dila.

    Dalmida

  7. Mr bahal indho xabajo kaboshaagle, ilyere galbeed kolay hadaanad adigu wax ka qaadi karin warkaagu was dhuuso meel kaga kac hadaanu koonfur nahayna kuwaanu rabnaa was beesha dhexe ma u jeedno nin koombo ku dawarsanaya

  8. Hobyo
    sxb,ilka yar waxba ha ku wareerin.Meesha waxaa isku-haya laba fikradood:

    1)Fikradii wadanka somaliya diratay ee ahayd Mooyaanismka(in wax boobo)Alshabaab lala macaasho,Lacagta layska gurto oo la noqdo 30 jir 30 Milyan haysta,20 jir 20 milyan haysta oo hooyo la kufsanay.taasi kolba qaab cusub la soo baxaysa.

    2)Fikrada Somali Nationalsm oo ah mid adiga kaa saraysay oo ay hogaanka u hayaan dad gaadhay heerka 4-raad ee aadamaha.

    Labadaa fikradood ayaa isku haya somaliya.

    Ilkayar,Kabadhaagle,Habar gidir,Abgaal,Majeerteen iyo waxan adiga ku dhibay inaan midayno ayaan rabnaa Insha Allaah.

    Dalmida

  9. Mr bahal was si wanaagsan in qabiilka somali dhibay laga koro horta cudurkaa iska daaweee aduu sixun kuu galee waayo waan ku arkay hadii nin ka soo teeda somaliland ama waqooyi ha aminsanaado United ama sep waa caayaysaa markaa is daweeya horta somaliland waxay qabsatay hadaanu 100 sano jirno walhi aanaan gaari karin dalmida at kaaga dhegtee soomali waa 5 ee dheh dal shan ah

  10. Sababtaan sidaa kuu leeyahay siyaad bare la sheego waan maqlaa ma soo gaarin burbur Lee cimrigayo ku qaadanay markaanu aragno walalahayo somaliland siday u nolyihiin iyo nidaamkooda qofkii damiirlihi waa qirayaa waryaa gobolkaagaan camuud la galay inkastoonan dhamaysan oo aan ka soo dhoofay dadkaagu 98% way ku faraxsan yihiin lander nimada koonfur waxkama soo naaso cadee iimanso wadankaaga walhi hadaan adi ahaan lahaa waan ku faani lahaa bal ii sheeg waxa yaal koonfur ii aan ahayn aduunka na ictiraafsan caqliuusbiirsay its dheh

  11. Hobyo

    Wax aad qortay waan fahmi waayay runtii.

    Waaba yaab e waad ka sii dartay kkk
    Sorry,broth.

    Dalmida

  12. Bro ilaah umadeena cudurka qabyaalada ha ka saaro Somali haday wada joogto iyo haday kala joogto uurkooda burcad ale ha isu mariyo

  13. Bro haday haday cadifaadi I qaaday raali kkkk cidaad ku shidid hooyaday macaan oon aduunka u jeclahaa ja soo heedhe kkk kaftan

Leave a Reply to Mr BaHaL

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented