DAAWO: Galmudug iyo Puntland oo Heshiis Gaadhay iyo FIQI oo Warbaahinta u Akhriyey (Muuqaal)

Gaalkacyo ( kalshaale ) Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay madaxweynayaasha labada dowlad goboleed uga socday magaalada Gaalakcyo ee gobolka Mudug.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaas oo ka kooban lix qodob ayaa tilmaamaya in inta badan shirkaas looga hadlay arrimaha amniga iyo sikaashiga labada dowlad goboleed, iyadoo lagu cadeeyay in shirarka nuucaan oo kale ah ay joogto noqon doonaan.

“Puntland iyo Galmudug waxay isku af-garteen inay iska kaashadaan, arrimaha kala ah, aminiga, xoojinta dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha, sidoo kalena ka wada shaqeeyaan sidii deeqaha caalamiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed, si isu dheeli tiran,”

“Galmudug iyo Puntland waxay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed iyo hir-gelinta nidaamka federaaalka ah, si waafaqsan dasduurka ku meel gaarka ah ee dalka.”

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay shirka madaxda Galmudug iyo Puntland waxaa hambalyo loogu diray umadda Soomaaliyeed iyo tan reer Jabuuti, oo ku guda jira xuska sanad guurada maalmihii ay ka xoreebeen gumeystihii reer Yurub.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya ...
Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...