DAAWO : Somaliland oo ka hadashay Sababta ay Ciidanku ula Wareegeen Xarunta Telefishinka Universal

Hargeisa  ( Kalshaale ) Ciidanka booliska ee  Somaliland  Somaliland ayaa maanta la wareegay Xarunta uu telefishinka Universal ku leeyahay magaalada Hargeysa, Waxayna Ciidamadu  yimaadeen xilli ay ku guda jireen warkii duhurnimo, isla markaana shaqaalihii ayay ka saareen xarunta Telefishinka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Saleebaan Yuusuf Cali Koore  Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay Sababta loo xidhay Xarunta Telefishinka Universal ee Hargeysa ayaa sheegay inay diideen baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June.

Mar la weydiinnay waxa ay u tixgelin waayeen farqiga u dhexeeya warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, ayaa sheegay  in sababta ugu weyn ee ay telefishinkaasi u xireen ay tahay inuu xurmeyn waayay maalintaasi ay xornimada qaateen gobolladii Waqooyi  / Somaliland.

“Maalmuhu waa 365 maalmood sanadkii, haddii intaa oo dhan uu dalka kaga shaqeysanayo oo dhammaan shirkadihii xayeysiiska kaga qaadanayo, saddex maalmood oo ah maalmaha qaranka inuu baahiyo hadduu diido, anaguna 362-da maalmood oo kale ayaan u diideynaa,” ayuu yidhi Suleymaan  Koore.

Sidoo kale  Booliska Somaliland ayaa sidoo kale maalin ka hor albaabada u laabay xarunta telefishinka Star ee Hargeysa.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Ismail says:

    Welldone Mr. Kore! Waxaan la yaabay kan weriyaha sheeganayaa siduu u hadlayey, ku lahaa Tii-Fiiga waxaa iska leh qof waana xor ee sidee shaqadiisa u soo farageliseen. Qofka lihi hadduusan sharciga dalka uu joogo qaadanayn, markaas, gurigii hooyadii hala tago, “as simple as that”

  2. Hobyo man says:

    Koore was libaax ka soo dhexbaxay calibeesteenkii kaga dhegtay anagu daraawiish baa nala yiraaah UK 1921 – 2020 meera u dhaxeeya maskaxdoodii waxay fariisatay 1921

  3. Kaahin says:

    The so called journalist daaqada ayuu is soo galax wariyanimada waa mooryaan maqlay wax Baa xora this is the stupidity we can never be part of zoomaliya,they have no idea that somaliland has reached the point of no return




MUUQAAL: Siciid DENI oo Weerar ku Qaaday Gudoomiye Mursal (Daawo)
- Jul 7, 2020
Garoowe ( Kalshaale ) Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa weerar afka ...
Wararkii ugu dambeeyay CIidamo ka tirsan AMISOM iyo Qarax loo dhigay
- Jul 7, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka ...
IMAARAADKA Carabtu Muxuu ku Caashaqay IIRAAN , Miyuu kasii durkayaa Sucuudiga ?
- Jul 7, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale ) Khubaradda dalka IIRAAN ayaa rumeysan in Imaaraadka Carabtu uu ka ...
Waraysi Xiiso leh : Safiirka Somalia ee QM Abuukar Baalle “Somalia Hada waxba looma yeedhiyo” (Daawo)
- Jul 7, 2020
Minneapolis ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Xiiso badan oo ...
Dawladda Shiinaha oo Maamulka Taiwan ku eedeeysay inay ku Geftay Qaranimada Soomaaliya
- Jul 7, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay si ...