|

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Ansixinta Xeerka Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka.

“Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh iyo Guddiyada dib-u-eegista dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro muddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowladnimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalkeenna.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29031

Posted by on Jun 27 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

24 Comments for “Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Ansixinta Xeerka Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir”

  1. 13 nin ayaan miishaar uga qorey Aqalka sare

    Waxaan riinjiyeeyey Tiyaatarkii

    Waxaan Xamar keenay Sanabyo lagu soo sameeyey Chinese

    Waxaan Taakuleynay LAFTA GAREEN IYO QOOR QOOR

    waxaan ubax ku talaalney Parliament hore

    Waxaan TAALO ka taagney SOOPE SQUARE (oo lagu diley 1000 qof On MY WATCH).

    Waxaan la shirney Somaliland

    – Intaas oo dhan ayaan ku qabaney MUDADII YAREY EE 4 SANO AHEYD.

    == Haddaad Markale idoorataan waxaan balan qaadi

    1. Inuusan Uhuuro Kenyaati doorasho dambe ku qaban doonin Kenya

    2. Inuusan Uhuuro Kenyaati DARBI dambe ka dhisidoonin Gedo

    3. Inuusan Uhuuro Kenyaati Qaad dambe keeni doonin Xamar

    4. Inaan Markale been laga sheegi doonin ONE MAN ONE VOTE

    5. In Cod loo qaadidoono Dastuurka Qabyadaa

    6. Inaan dhisidoono Maqaamka Xamar

    7. INAAN HARGEYSA TAGIDOONO without Mentor Abby Ahmed

    * And yes inaanan diyaarado badan raacey.

    Dooro Nabad iyo Nolol haddaad rabto inaad Kismaayo ku arkin Kenyaati

  2. Hilmaan hadal kuma jiro

    Waxaan hilmaamey Airport Baraawe inkastoo Roob daadad badan wato LAAMIGII Diyaaradda Qaadey.

    Sidoo kale waxaan mardhow furi rabnaa Garoonkii Kubadda Cagta,

    -Cayaarta ugu horeyso waxaa ku dheeli doono Madbacadda iyo Minishiibiyo

    Aniga = No 10 Muriidi ABA-Nuur (Madbacadda)
    vs
    MUUSE Biixi = No 2 Axmed Qaldaan

  3. Dabshid
    Kkkkk war ninyahow waxaad isoo xasuusisay waayo waayo.axmed qaldaan.ajeeloow.yaxye waaloow.sakariye.cumar calasoow.cabdi boy.looloow.axmed cabaas shiikhaaloow.labadanadii boortoyeeri.isaaqeey iyo duqoow .tobobarayaashii.nuur Gaan.geelle.macalinkii udhashay Ghana iyo wiilkiisa.aduunyooy dugsi quraan aan igoyn

  4. Dugsi quraan aan ugoyn jiray maalinta minashiibiyo ciyaarayso jacayl aan uqabo awgeed

  5. Tobobare nuur gaab. GEELLE.ghaneeska waa macalinkii ugu danbeeyay.sidoo kale madbacada waxaan ugu jeclaa .EENOOW iyo NUUR AMIIN

  6. Gedo Land

    Aniga hadduusan dheelayn Muriidi ABA-Nuur Abati maalintaas kadtanku waa iga xirnaa

    Hadda waxaan daris ku nahey London asagoo waxyar duqoobey, 10 caruur ahna wado

    Markaan caruurteyda ku dhaho ninkaan ayaa ii ahaan jirey sida Lionel Messi sifiican ayey ii salesman.

    Xageed joogtey galabtuu
    Shiikhaalow naga shaliyey 3 goals oo free kick ah.

    Axmed Qaldaan waxaan ku arkey Ethiopia sanadkii 1994 asagoo sidii u calool weyn.

    Asagu wuxuu cabsiin jirey Enow oo uu necbaa, muriidi wuxuu ahaa Maradona camal gaabow outrun.

  7. maqaamka banadiir mahad salad ba soo dhiciyeey adeer waxaad kawaranta maqaamka khatuumo state ,new york taadii iskaga laabo manta ayeey ayeey soo afjarmatay saxada na kabaxday siyaasadii daroode

  8. Dabshid
    Maalin taas roob ayaa da,ayay sadex gool madbacada ayaa kuhor martay Cambio dii danbe ayaa sadex bulision ah shiikhaaloow kaxareeyay waa hadaanan ciyaar kale kuqaldayn.mideeda kale axmed qaldaan labo nin ayuu necbaa mid waa EENOOW oo goysmo ayuu nafta uga qaadi jiray.midna wuxuu ahaa Cali mire oo orod iyo xoog isku darsaday inkastoo cali mire sate ahaa axmed qaldaana quatare laakiin marmar ayay diishe ote isku heli jireen

  9. Gedo Land

    KKK

    Wlh waa runtaa Roob ayaa da ahey
    Qeybtii dambe ayuu ka dhaliyey

    Waliba Shiikhaalow oo Sacuuda muddo ku maqnaa oo soo laabtey asagoo MUSHAKAL CASIIR KA BUUXO.

    kk
    Saan ugu qosleynay markuu ordo ayuu qeybtii dambe QOSOLKII NAGU AAMUSIYEY.

  10. Aad ayaan ugu Hambalyay-nayaa beel weynta Hawiye maamul Goboleedka sadeexaad ee u dhismay.✌👏👍🏻🤛

  11. Dabshid
    Kkkkk shiikhaaloow aad ayuu uculusaa waagaas .arabiiterka xitaa adinka ayuu ahaa maalintaas oo madbacada ayaa lagu xaman jiray inuu taageero wuxuu ahaa xaaji cabdi madbaco

  12. Laalays
    Adigu hawiye iyo daarood ayaad kudhexwareertay war labadaan reer waa isku dan isku dhul isku deegaan meel ay ukala socdaan majirto

  13. Horta waa in laga doodaa in Guryaha somaliyeed laga baxo.

    Mise waa laga baqayaa kkk

    Banaadirigi oo dhan guyahoodii waxaa ku jira dad ka yimid baadiyaha.

    Horta waa in xeerkaasi laga doodaa.
    Dalmida

  14. Madaxwayne farmajo waa geesi ku dhiiraday waxay

    Ku dhiiran wayeen shariif iyo xasan sheikh waaka

    Waaga u baryey muqdishaawigi dal dhis iyo horu socod

    waa guusha dib u doorashada nabad iyo nolol

  15. Walleen laga baryin. Mr farmaajo. Waleysan olole doorasho aysan kuu noqon muqdishaan wax u ogolaaday
    Reer muqdisho hadeey soo jeestaan wexey donaan ayey marin karaan.

    Xildhibaan mahad salaad.

    Xildhibaan caraboow hiero

    Xildhibaan cabduqaadir cali cosoble.

    Xildhibaan dhuxuloow.

    Xildhibaan khadiijo diriye.

    Way mahadsan yihiin.

    Xildhibaanadii kablalax maanta waa dhuunteen. Ilaa xalay wexey isku dayayeen in uu mooshinkaanu fashilmo. Laakiin kaliye waxaa lagu dhahay ogaada hoteelada aad jiiftaan masuul idinkagama nihin.

    Waxaan kaloon qireynaa hadaan bulshada reer muqdisho. Xildhibaanadii sade mareexaan maanta dhamaantood wexey u codeyeen metelaada reer muqdisho.

    Allow dadkeyga xoolaha iyo tayada xisaabtan ugu dar.

    Nexst stop waa maqaamka muqdisho.

  16. Mr bahal kaboshaagle reer xamarkaad sheegaysid xamar labo degmo ayay dagaan x Wayne iyo shingaani yaa cawaan mugdisho waa meeqo degmo mida kale maxaa kaa galay adi laangaab indho fiisle aad taheen alle ha u naxariistee cumar dhuuso dhahay (isha Vidic baa I oo yaysoo) anti laaleys ugu dar inta dhiman kaboshaaglaha at kaga dhegtay mugdisho

  17. Sorry anti anti, Vidic isha

  18. Garqaad : fartaag maku jiray kuwa codeeyay ninkaasu anaga nagama tirsana waxaan maqlay xildhibaanada dhuloos waa ucodeeyeen matalaada gobolka banaadir

  19. Hobyo

    Dameeryhow ninkaad la sheekaysanaysaa waa Mr BaHaL.walee kuu fogaanmaayo e meelbaan ku saari.

    Magaalo la boobay weeyaan Moqdisho.Horta waa in guryaha Ummada somaliyeed laga baxo,sidaa ayuu sheegayaa aqliga fiican ee Aaadamuhu.

    Gaal iyo Mid aan diinba haysan ayaa isku raacsan in la laga fogaado xaqdara.

    Dalmida

  20. @Garqaad abti hore ayaan kuugu ifiyay.Beelaha qaarna waa qabiil wadaag,qaarna waa dhiig iyo dhulwadaag iyo maskax wadaag.
    Nin kama gudbo 1991 kii.Ninna waa la dagaalaa,horey haloo socdo ayuu aaminsan yahay.
    Nin Garqaad ma arki karo,ninna wuxuuba aaminsan yahay lafdhabar inuu yahay Garqaad.Nin wuxuu practical u aaminsan yahay anaga Somali ah,aan is lagadno NO PROBLEM waa ila dhashay,I dhalay igu dhiig.Ninna Malez Uhuru waa Daarood kkkkk
    Garqaad wuxuu la dhacsan yahay adiguba waad og tahay.Waligeed ma kala garto abtigay halka dabayshu u socoto.
    Nin waxaad ku diidaysaa wax ankee haddii aan ka tanaasusho Aadan meelo fariisanayn.Nina wuxuu raadinayaa dulmi,sadbursi iyo in gumaysi lagu hoos jiro.
    Dadka kala baro,kuna qiimee meesha aad kaga taal.

  21. Masha Allah…Congratulations…Hambalyo..Banadir State …war ninkan Farmaajo waaa miskiinee intuu joogoo ka marsada.

    Anakuba AQOONSIGII SOMALILAND baan ka marsanaye…SWIPE IT baaa ka dhacday.

    Waliba dhoowr sanoo danbe ugu dara.

    Kkkkkkkkkkkkkk

    God Bless Somaliland!😎

  22. 13 Xibnood oo lagu doonayo beer dulucsi iyo ku badsasho tirada ama xilka, muqdisho aan si dhaba matalaad ugu samayn wax macnaa soo kordhin mayso.

  23. Farmaajo arintan maqaamka uu ku doodayo kama aha jacayl iyo wax qabad uu reer Muqdisho la doonayo ee waa ka cimri dherersi iyo amaa dib laguu doortaa oo mucaaradka aad ku kala jabisaa arintan.Sidoo kale wuxuu ku rabaa ammaan iyo bogaadin inuu ku helo oo dhaho wixii raggii iga horeeyey oo reer muqdisho ahaa ay samayn waayeen ayaan anigu sameeyey

  24. War meeye kuwii qaylin jiray?dalku waa democratic tuulooyinka yaan laga soo qayline suga waqtigiiga iyo SADBURSIGAAD DHAQANKA U LAHAYDEEN WAA DHAMASTAY 25%.12% IIMAANSO.

Leave a Reply to xaange

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented