|

Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Noqday Kadib Shirkii Jabuuti

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qayb galay Shirka Dhab u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka go’aamadii shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland ayaa u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal?”

Guddiga farsamada labada dhinac oo maanta uu bilaabmay fadhigoodii ugu horeeyey, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dardaaran dhaxal gal ah u soo jeediyey isaga oo caddeeyey in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=28465

Posted by on Jun 15 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

19 Comments for “Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Noqday Kadib Shirkii Jabuuti”

  1. Seedi iska soo laabo eeda iyo sabaaxadii meeshaas ka dhacdey waxaan dusha ka saareynaa Irir

    6 qodob ayey marlabaad suulka kaa soo saareen soo maahan. Markalaan ku dooraneynaa

    9 nin oo walaala sideenaas, 8 sideed isku beeltahey sidiinaas, halkuna eeda qaadikarin sideydaas.

  2. 30 sano ayaa xuriyaddii laga joogaa AAA

    Geelle hal saac ayuu qoslahayey.

    – Waa iney lacagtii 6dii bilood soo celiyaan qoladii – CARAB JILCINTA

    * King Speech

  3. Dabshid
    Madaxweynihiina ma speach therapy baa loo sameeyey? Wax baa ka dhacay! Timuhuu beertay, xoogag been u sheega oo Baraja bulshadda isticmaala, kuwo uu ku soo kiraysto €8 Iyo, iyo……. Horta maxaa idinka runa?

  4. ASC.
    Fadlan ciddi AF garatay Dabshid HA II JILCISO. WBT

  5. Barwaaqo

    Kkkk

    Sanadkaan waan yaabney

    Training iyo aamusnaan ayuu labo sano waqtiga nooga qasaariyey.

  6. Ahmed Somali
    Marka hore daawo khudbadii Farmaajo, marka xigtanna ‘King’s speach‘ – Waa film laga sameeyey boqoradda Ingriiska aabaheed oo haghago/shigshigi jiray boqornimadana si lama filaan ah ku helay.

  7. Murtidaa manta
    Saca geesaha weeyni loda
    geedaha wuu ka Saara asna
    kuma harsado e loda
    Ayuu raaca

  8. Farmaajo aamusnaanta maahane waxqabadkiisa waa loobogay hawiye wuu kala celiyey

  9. NORH WEST REGION OF SOMALIA COMING BACK TO THE UNION , THAT’S THE FACT, NOTHING ELSE

  10. Barwaaqo

    KKK

    Oo hadda ma waxaad leedahey SHIGSHIGA wuu ku dhashey Farmaajo

    Kusigana si lama filaan ah ayuu ku heley sidii King George AAA, kkk

    Muuse Biixi ayaan Kawaanka saareynaa.

    Wlh waa run niman badan oo daarood u badan waa filan waayeen Farmaajo ayaa la doortey, waliba waxey ku Xamar jireen ninkii Hawiye is moodey.

    Hadda waaba kuwaan rabo iney Card shaxaad nooga xigsadaan. Hawiye xanaaqe Waxaa laga dhaxlaa Kursi la’aan iyo Shaxaad la’i.

  11. Ayeyday oo ahey reer Dhuusomareeb CARAB KAKAN – yacni no ciyaal xamar

    ayaa dhihijirtey Gabadhaas waxaa DUSKA ka bixiyey Gabdho kale.

    Ayey maxaa waaye Dus, Luuq Luuq Xamarlee ka soo qaad.

    Hadda Farmaajo waxaa duska ka bixin rabo,
    Reer Qurac shaxaad doon ah, hadana rabo inuu Hawiye qabiileeyo.

    -lnk walaahi waa Riyaale Hargeysa
    Cali Mahdi iyo Ceydiid ayuu ku fiicnaa,

    * Xarig jiidkii reer Bari ayaan ka nasaney.

  12. ASC.
    Farmaajo/Khayre/Beyle WAXAAN kula talina INAADAN CID aan kooxdiinna iyo mid Somalinimo Caddaystay MOOYE cid kale Waxba ka maqlin WAQTINA isaga lumin MACAAN jeceshii hore iyo tan jadiidkaaba.≈©≈WAXAA kale oon idinkula talina YAAN lala hadlin Maamulka reer Waqooyi inta ay Beesha ISAAQ kaliya XUKUNTO. WBT

  13. Madaxweynow shirkii carta waxaa laga joogaa 20 sano, markaa xoriyadda qaadanayna waxaa laga joogaa 30 sano sanadkan 2020 kulahaa😃

    Nin cilaaj u baahan baa kursi fadhiisinay asaa wax fiican in naloo qabto sugaynaa

    Shib ahoow ama sheeg xumoow ayaan maqli jirey🖐

    Afahayeenka madaxtoyada dhibaa haysto. Maalin kasto waxaa laga sugaa. Maya madaxweynuhu sidaas ulama jeedin.

    NIN SOO HOYDAA WAX HOYN RABEE MAHAAY HIIGSATAAN HUBSAA. BY IMAAM DABSHID.

    • Garqaad

      Hadda aniga iyo adiga aan hoos isu wareysano

      Daahir Geelle haddaan doorano oo Mid Governor Gaas oo kale oo kufaanahayo Lacagtii Tiyaatarka Xamar loogu talo galey -AYAAN KU DHISEY GAROONKA GAROWE

      marna lugaha qabto iyo Caano madaadshe Seedigeen Farmaajo

      Keebaa la qaataa –

      Sida cad Farmaajo kharash ma gelin dhul Daarood (aan Quraca Qaawiyee)

      Lkn yes Kharash badan ayuu media iyo Iidheh geliyey,

      Sidoo kale Kheyre wuxuu in kabadan intuu Xassan geliyey Galmudug, geliyey Galmudug cusub.

      kharashka ku baxey dagaalkii Gedo kama badna, kharashkuu Xassan geliyey Barre Hiiraale.

      Anigu Farmaajo waxaan ku heystaa Kismaayo oo uu asagu fahmi waayey Sasabo Ogaadeen

      Iyo Kheyre oo uu kula xididey Xaniiyahii Kursigii loo doortey.

      Yes Ethiopia iyo Qalbidhagax, iyo ururkii ONLF.

      Yes wadahadaka Somaliland

      Lkn Hawiye vs Daarood

      Farmaajo ayaa u roon Xassan Shiikh oo Canshuurta Xamar ku laaluushi jirey Garowe, Khaatumo iyo Hiiraale

      Waa markii dhab loo hadlo – xagaada

  14. Sorry- mid Governor Gaas oo kale ka dhigo RASALWASAARE

  15. Dabshid salaan sare imaam.

    Imaam. Darood vs hawiye. In xukunka sare loo qaybsado. Anna wexey nagu tahay meel ka dhac. Waayoo magaranaayo ninka dirta woqooyi ah ee hargaysa ku nool. Iyo ninka darood ee koofur ku nool wexey ku kala bedelan yihiin.

    Mr guleed wuxuu metelaa. Woqooyi waxna naguma soo kordhiyo.

    Mr farmaajo waa madaxweyne laakiin awood qeybsiga garoowe iyo kismaayo. Ayuu ku metelaa. Waxna naguma soo kordhiyo.

    Marka sow doqonimo naguma ahan. In ay nala jumeystaan. Ama ay qaataan kan aan qaadano kiisa kale?

    Maxaa noo diiday xoogeena iyo xooleheena. In aan ku xisaabtano?

    Maxaa noo diiday. Dir iyo darood in aan wax siino hadba midka aan annagu u baahanahay ileen waxba isuma kaaya dhamaane?

    Somalidu waa qabiil iyo wax qaybsi.

    Ma ii sheegi kartaa. Waxa uu Mr guleed igu darsan ee Mr farmaajo igu darsaday?

    Imaam. Xoogaga iyo xoolahaaga alla haku baro sidaad ugu xisaabtami laheyd.

    Cidii uu doono. Ha noqdee. Qof farmaajo ka liidato. Kursiga xuriyo sooma marin.

    Ceeb weyn ayey nagu hayd. In farmaajo villa somaliya fadhiisto.

  16. Garqaad

    Kkkk

    Nin xoolihii iyo goofkiisi ninkale ku maslaxeyn kkkkk

    Eebow xoolo waxaa isku darsado dad xoolo heysto.

    Canshuur iyo Ciidan kuma yaalo buuga reer Qarac

    Waxaan ka hadlahayaa waa ama dagaal shisheeye toog u hey ama Xoolahaada Shirkee.

    Farmaajo oo aan islaheyn Xamar ayuu ku dhashey oo aabihiis ayaa Kaabo Malmalaado Muqdisho Airport ahaa ayaa Axmaar iyo Eritrean laga reebi la’ayahey

    Maxaad kusameyn Axmed Cadde Garmadoobe oo Nairobi u xajiyo ama Gaas oo Addiss u xajiyo.

    Meles wuxuu diley dad kabadan 500 kun,

    Hadde hadaan xoolo Xamar lagu shirkoobin Axmaarkaa dhulka la keeni.

    Jeebka ama dhulka waaye arintu.

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented