|

Hargeisa : Gudigii Lacagta badan hayey ee diiday Hanti dhowrka iyo Barkhad oo si kulul uga hadlay [Daawo Muuqaal]

Hargeisa  ( Kalshaale ) Guddida ka hortagga iyo la tacaalidda Cudurka halista ah ee Koroona Fayras ee Somaliland ayaa hor joogsatay baadhitaan iyo hawlgal ay doonayeen in ay Guddida ku sameeyaan Hay’adda Hanti-Dhawrka  Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kkadib markii guux iyo fal celin badani ka dhalatay muddooyinkii dambe oo ay shacabku su’aalo badan iska waydiinayeen lacagaha badan ee Guddida lagu wareejiyay iyo hannaanka ay u baxeen oo aan xog badan laga hayn iyo sida ay u liidato xaaladda caafimaad iyo adeegga dawladda ee la xidhiidha dhibaatada cudurkan.

Ku xigeenka Xafiiska Hanti-dhawrka  iyo Sarkaal sare oo xafiiskaasi ka tirsan ayaa waxa ay shalay iyaga oo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah waxa ay hawlo shaqo ugu tageen Xafiiska ay Guddida Koroona Fayras ee Somaliland ku leeyihiin gudaha Wasaaradda Biyaha ee caasimadda Hargeysa, iyaga oo sita warqad shaabbadaysan oo caddaynaysa hawlgalkooda shaqo halkaasi oo ay kula kulmeen Xoghayaha gaarka ah ee Guddida Koroona Fayras Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), kaasi oo gabi ahaanba is hor taagay gaashaankana ku dhuftay hawsha Saraakiisha Hanti-dhawrku u socdeen.

Dhinaca kale Barkhad Jaamac Batuun  ayaa si kulul uga hadlay Gudigan iyo Tallaabooyinka kala duwan ee ay Qaadeen, wuxuuna sheegay inay Muuqato Musuq Baaxad leh.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27749

Posted by on Jun 1 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, VIDEO, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented