Muxuu yahay Weerarka Cabdiwali Gaas uu ku Qaaday Xaliimo yarey !
Garoowe ( Kalshaale ) Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxwaynihii Hore ee Maamulka Puntland ayaa weerar culus ku qaaday guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran Xaliimo Yarey, oo uu sheegay inaysan daacad ka ahayn in dalka doorasho ay ka dhacdo.
“Xaliimo Yarey, haddaad weydiisaan, maanta la yiraahdo, Sacuudi Carabiya ma ka qaban kartaa doorasho asbuuca soo socda, haa bey oraneysaa,” ayuu yidhi Cadbi Weli Gaas.
“Waa hay’ad daneystayaal ah, ma qaban karno, iyo waxaas ma dhici karaan, danta qaranka darteed saas baan u aragnaa, may oranayaan,” ayuu yidhii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas.
Mudooyinkii dambe waxaa soo Kordhayey dood ku saabsan Arinta Doorashada, Waxaana dhowaan Mucaaridku siwayn usoo dhoweeyeen Hadal kasoo yeedhay Raysal wasaare Khayre oo sheegay in Doorashada Xiligeeda la qaban doono.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27723