|

Axmed Madoobe oo Heshiis dhex dhigay Laba Beelood [Sawirro+Warbixin]

Kismaayo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha dib u heshiisinta beelo walaalo ah ee ku diriray Jubba Hoose.

Axmed madoobe ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay dhiiga qof Muslim ah oo macna daro lagu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa.

Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbadan beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dagaaladu ka dhaceen isla markana cid walba laga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowladu ay wado ay u hogaansanto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan mar dambe ka gacan laaban doonin colaad kasoo cusboonata deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen Jubada Hoose, iyadoo labada beelood ay madasha ka balan qaadeen in ay is cafiyeen mar dambana uusan dhici doonin dagaal dadka deegaanka u dhexeeya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dhulka ay Dowladu Mas’uul ka tahay isla markana qof walba oo reer Jubbaland ah uu dagi karo kuna noolaan karo halkii uu doono waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in la joojiyo Dhulka la oodayo taas oo yaraynaysa khayraadka daaqa sidoo kalana samaynaysa dhibaato dhinaca Cimilada ah iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhul daaqsimeedka la xiriirta.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland oo labbadiisa garbood ay taagan yihiin labba ugaas ayaa yiri “Labbad Ugaas waxaan rabaa anigoo masuul ah oo ilaahay maantay masuuliyad iga saaray inaan balan idinkula galo sidaan shalay mid walba gooni ugula hadlay howshaas in lasoo afjaro, dadkii la dhax galo, la dhax ordo, baadida la daayo dadkii la isku keeno, ardaalka aan iska qabano intaa balan maku galnay Alla hortiisa.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27701

Posted by on May 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented