Dawladda Somalia oo si kulul uga Hadashay Qarax dad shacab ah lagu dilay
Muqdisho ( Kalshaale ) War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa looga hadlay Qarax dad badan oo shacab ah ku dhinteen oo maanta ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka Muqdisho.
Qaraxan saakay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa haleelay gaari caasi ah ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxaasi ku dhintay dad ka badan 10-qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen.
Mudooyinkii ugu dambeeyay Waxaa yaraaday Qaraxyadii iyo Weeraradii ka dhici jiray gudaha magaalada Muqdisho, Waxaana hada ay Qaraxyadu Noqdeen Miinooyin Lagu Aaso Wadooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho, ama gaadiid lala beegsado.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27700