Loolanka Puntland ee Xildhibaanada SSC iyo Axmed Karaash oo Dhaqaalle loo soo Bandhigay iyo Xog Cusub
Laascaanood ( Kalshaale ) Loolanka Xoogan ee loogu Jiro Xildhibaanada SSC ee DF Soomaaliya, Qorshaha Puntland ay Cadaadiska ku saarays DFS , Waxyaabaha la isku hayo iyo Axmed Karaash oo Dhaqaalle Culus loo ballan qaaday, Xog iyo Gorfayn ku saabsan dhacdooyinkan dhacay iyo Saadaasha kuwa soo socdaba.
1. November ,2019 waxaa duulaan dhiig kudaatay xilkii looga tuuray Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Puntland Mr Cabdixakiin Dhoobo Daareed. Kadib Markii looga baqay in uu saamayn kuyeesho Doorashada 2021 Xildhibanada SSC ee DFS.
2. March, 2020 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni wuxuu joojiyey oo saamayn ku yeeshay Shir uu ugu baaqay Isimada Sool iyo Cayn Garaad Mukhtaar Cali Buraale ,wuxuu si dhow iyo sihoose ula xidhiidhay in aysan Ismada Puntland Tageersan qayb ka noqon Shirkaas ,waana ku guulaystay hadafkiisuna wuxuu ahaa in aan Xildhibanada SSC aysan ka hadal.
3. May, 2020 Dowlada Federalka Somalia waxay deeq Dawo ah ka dajisay Magaalooyinka Buhodle iyo Badhan, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Waraysi uu siiyey Laanta Afsomaliga ee BBC wuxuu kusheegay in DFS fargelin hoose oo ilaa heer qabiil gaadh siisan Somaliland ku hayso Fadqalalo iyo Isku dirbeleedna kadhalan karo.
4. Bilaha April iyo May, 2020 waxaa banaanka yimid Khilaaf baahsan oo udhexeeya Den iyo Karaash, sababta ugu weyni waxay tahay in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Saaxiibadiisu ka baqayaan Madaxweyne ku xigeenku Axmed Karaash in uu saamayn ku yeesho xildhibaanada SSC doorashada DFS. Waxayna dhinacyadu sokala sareen wareegtooyin isburinaya.
5. May, 2020 , Madaxweynaha Puntland wuxuu magacabay wasiira Cusub ,kuwana xilka ayuu ka eryey ,Muhiimada Wasiiradan waxay ahayd in Madaxweyne ku xigeenka Lasaaro Caddaadis weyn ,Sidoo kalena lagu qaado werar siyaasadeed Saddex Wasiir oo deegaan ahaan ay Madaxweyne ku xigeenka isxigaan ayaa kasoo muuqday Wasiirada cusub ,siyaasad ahaana uusan ladhacsanayn M ku xigeenku, wuxuuna soosaaray wareegto uu kudiidan yahay Magacaabistan Cusub.
6. May ,2020, Xafiiska Madaxweyne ku xigeenkun waxay abuureen bar cusub oo Facebook ah saacado kooban iyo Maalmo yar waxaa ku biiray bartan dhow iyo sodon kun oo qof ,wuxuuna helay taageero weyn gudaha Puntland. Si hoos loogu dhigo warka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ladacweeyey oo hawada laga saaray bartii Facebook ga uu kulahaa Madaxweyne ku xigeenku.sida Xafiiskiisuna qiray mardanbe.
7. Intii Khilaafka Deni iyo Karaash soolaabtay waxaa jiray dhowr dadaal oo xal loogu raadinayey mushkiladan laakin dadaaladani weli maysan noqon kuwa guulaysta, Madaxweynaha Puntland wuxuu ku adkastay in ay kulabaxayaan Dastuurka,waxaana ka go’an in Madaxweyne ku xigeenka meesha ladhaafiyo.
8. May ,31,2020, Markale waxaa howsha xalinta khilaafkan isu cimaamuday Qaarkamid ah isimada dhaqanka Puntland ,waxayna ilaa hada lakulmeen Madaxweyne ku xigeenka Mr Axmed Cilmi Karaash ,Majirto wax horumar ah oo lasameeyey.
Labada dhinac Ciidamo ayuu Midkasta keensaday Magaalada ,waxayna qolo kasta xoojisay ilaaladeeda iyo Jid gooyooyin dheeraad ah oo ay kusoorogeen Xafiisyadooda iyo aagaga ay daganyihiin.
9. Saaka waxay Maraysaa in Saaxiibada Madaxweyne Deni soojeediyeen ,in Madaxweyne ku xigeenka Lasiiyo laba Milyam oo doolar uuna kursiga baneeyo (2000,000 USD),sidoo kale waxay soojeediyeen in Madaxweyne ku xigeenka loobalan qaado Doorashada DFS in uu noqdo Senator aqalka sare ah. Saaxibada Madaxweyne ku xigeenka oo ubadan reer Garoowe waxay xooga saarayaan in aan qul qulatooyin hubaysan aysan kadhicin Garoowe.
Dhacdooyinkq isdabayaal iyo dadaaladan iski sidkan waxay intuba kutusinayaan sida puntland ay uga go’antahay in ay qorshe kasta layimadaan in aan Marna laga hoos saarin Xildhibaanada SSC, Dorashada DFS, 2021, si ay gorgortan siyaasadeed ugu galaan .
Waxaa Qoray : Jama Ali Dirir
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27694
Garowe oo isu bedashay sidii Galkacyo Koofur iyo Bari.
Waxaan moodijirey in only 3 magaalo yahiin xuduudka QADKA DHIIGA (Kismaayo, Galkacyo iyo Ceerigaabo).
Garowe ayaa ku soo biirtey oo Qadka YELLOW Taagatey.
-Dastuurkii Garowe ee xitaa Riyaha Garowe ogolaayeen TAHRIIBKUU Raacey.
* Kheyre Doorashuu Qabtee ninkii Rabow Imow.