Masuul Caan ah oo Xaaskiisu ay ku dishay maanta magaalada Muqdisho
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Cabduqaadir Fooldib oo ahaa guddoomiyaha waaxda Halgan ee Degmada Dayniile oo lagu dilay magaalada Muqdisho.
Waxaa la sheegay inay dilkiisa gaysatay Xaas uu qabay oo sida la sheegay ka Cadhaysnayd booqasho uu ugu tagay Xaas ay kala tageen iyo caruurtiisa.
Kaddib dhaawac culus oo kasoo gaaray Tooreey ay ku dhufatay xaaskiisa ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday.
Waxaana meydka guddoomiyaha la dhigay xaruunta CID-da ee Muqdisho xilli Haweeyneedii dilka geesatay ay baxsatay welina lagu raad joogo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27691