|

MUUQAAL: Taliyaha Ciidamada Xooga dalka oo ka hadlay Dadkii Lagu Xusuuqay Duleedka Balcad !

Cadaado ( Kalshaale ) Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye guuto Odawaa Yuusuf Raage oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay falkii lagu xasuuqay dhalinyaradii dhakhaatiirta aheyd ee ka dhacda deegaanka Gololey oo Hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliye Odawaa ayaa sheegay in dadkaas la laayey aysan wax lug ah ku laheyn ciidanka xoogga dalka, in kastoo ay socdaan baadhitaano la xadhiidha sababtii loo dilay iyo cidii dishay dadkaas.

Wuxuu dhinaca kale xusay in dadka Warkaasi Been Abuurka ah ka Faafiyey Ciidamada Xooga dalka ee Naftooda u huraya Shacabka, ay yihiin kuwa u Adeegaya Shacabka.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga ayaa Cadaado caawa ka sheegay in taliska militeriga Soomaaliya uu wado baadhitaan iyo hawlgal ku aadan dhacdadaas, dibna ay ka shaacin doonaan wixii kasoo baxa baaritaanada socda.

Xubno ka kala tirsan dowladda federaalka, maamulka HirShabeelle, odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin kale ayaa gaadhay deegaanka uu falkaasi uu ka dhacay 28-kii bishan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27674

Posted by on May 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented