|

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo ka Farxiyey Haweenay Askariyad ah, Kuna soo qaaday Diyaarad (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwayne Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Farxiyey Haweenay ka tirsan Ciidamada Xooga dalka .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Fu’aado Cali Maxamed oo ah Askariyad, ayaa waxaa Qabatay Fool, Waxaana lasoo daristay xaalad culus, Waxaana markii xogteeda lasoo gudbiyey uu Madaxwaynaha Amray in diyaarad lagu soo qaado.

Waxaa la keenay magaalada Muqdisho, Waxaa Qaliin loogu sameeyay mid kamid ah cisbitaada magaalada, Waxayna dhashay Gabadh ay ugu magac dartay mardawada madaxwaynaha, Waxayna siwayn ugu mahad celisay Madaxda sare ee dalka.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada ayaa Cisbitaalka ku booqday Fu’aado, Waxayna ka hadleen sidii ay wax u dhaceen.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27650

Posted by on May 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo ka Farxiyey Haweenay Askariyad ah, Kuna soo qaaday Diyaarad (Daawo)”

  1. Kkkk ma dhabbaa mise waa hadal laga been abuurey madaxweynaha.

    Adeer maalin iyo habeen ayey diyaaradaha caalamku qaadan Islaamo foolanhayo.

    Diyaarado badan raacimaa ayaan kugu dooraney, waa gartaa inaad Campaign ku gasho ama gambar u soo qaadato > NAAGBAAN Gabar ka UMULIYEY.

    Madaxweyne waxaan kaa sugeynay inaad Kuukuuyo ka xoreyso Kismaayo iyo Gedo, adiguna shaqo umuliso ayaad ka sheekeyn.

    * Kurtun dambaan lagu sirmeyn.

    • Asc Dabshid hoyadaa ma nooshahay haddii ay noshahay jawaabtaada iyada ku filan haddii ay dhimatana Allah u naxariista

  2. Waa wax lagu farxo in Dawladu garato Qof naftiisa
    In la badbaadiyo, kuwase wax walba mucaaradsan
    Inta xun uun bay arkaan.????

  3. Qofka muslim ah waxaa laga rabaa inuu ka danqado qof kaloo muslim ah dhibkiisa ama madaxweyne ahow ama qof caadi hooyo 9 bilood ah markii horaba in fasax lasiiyo bay 8 bilood markay gashay taliyeyaasha waxaa laga rabaa inay hesho fasax ayku dhasho mida madaxweynaha wuxuu sameeyey inuu daryeelo kuwa jilicsan wuuna ku mahadsanid yahay siyaasiyiinta dollar xaaraantaa barkan waligood raali noqonmayaan ilaa ay kursiga madaxweynaha ku fariistaan 7 bada rer hebel land haloo sheego kursiga hal qof ayuu qaadaa 7 maamul kuma wada fariisan karto

  4. Waa kaa caqligii ciyaalkii kacaanku gabaruu diyaarad ku soo qaaday ha ka hadlo ilmihii galoolay lagu laayay we maryocalastiisu laysay munaafuq shaarbo cadiir ilaah dhinac hanoo kaa dhaafiyi

  5. Asc Dabshid hoyadaa ma nooshahay haddii ay noshahay jawaabtaada iyada ku filan haddii ay dhimatana Allah u naxariista

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented