Cabdikariim Guuleed oo siwayn u taageeray go’aankii Raysal wasaare Khayre
Hargeisa ( Kalshaale ) Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug oo ka mid ah siyaasiyiinta u hanqal-taagaya doorashada 2021 ayaa soo dhoweeyay hadalka ka soo yeedhay Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in dalka uu u socdo doorasho, taasoo iftiimisay wax badan oo mugdi ku jiray.
“Waxaa ku dhiiragelinayaa Kheyre iyo xukuumaddiisa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka, Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo boggaadin” Ayuu yidhi Guuleed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u carabaabay in dalka ay ka dhaceyso doorashada ay isla oggol yihiin saamileyda siyaasadda, taasoo ahaa hadal aan looga baran.
Guuleed ayaa tilmaamay Lagama-maarmaannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xilligeeda ku dhacda, lagana tala geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda, si dalka ay u horseedo degenaansho iyo xasillooni siyaasadeed.
Dad kala duwan ayaa u riyaaqay hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee uu ku caddeeyay mowqifkiisa, xilli ay soo baxayeen hadal heyn kala duwan, waxaana la saadaalinayaa in Ra’iisul Wasaaruhu qaatay door lama dhaafaan ah, marka loo eego tuhunka Jiray ee Muddo Kororsiga.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27634