|

Cabdiraxmaan C.shakuur oo taageeray Go’aankii R/wasaare Khayre (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeedhay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in doorasho xilligeeda ku dhacda la qabanayo.

“ Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysalwasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada”ayuu yidhi C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu boggaadiyay fahamka ku aadan in doorashada ay wax kasta ka muhiimsan tahay, ay leedahay mudnaan, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.

Hadalkan ayaa ahaa mid saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayay baraha bulshada iyo mowqifka Ra’iisul Wasaaraha ka istaagay in doorasho dalka u socdo, ayna aheyd wax soo socday oo ahaa in afartii sanaba mar la qabto doorasho, taasoo meesha ka saareysa warar soo baxayay oo sheegayay in Xukuumadda Soomaaliya ay Qorshaynayso Muddo Kororsi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=27631

Posted by on May 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Cabdiraxmaan C.shakuur oo taageeray Go’aankii R/wasaare Khayre (Warbixin)”

  1. Hadda ma jiro dhul iyo xoolo ka dhaxeeyo Soomaalida Cusub, oon ka aheyn in AFARTII SANABA doorasho la qabto, Xamarna laga wada Xamaasho.

    Ninkaan taas fahmin waa nin aan fahmin Wixii Burburka keenay.

    Guul Nabad iyo Nolol

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented