|

MUUQAAL: Hotelkii Hargeisa Club oo Suldaan Siciid iyo Tababare Caan ah Maalgashteen oo Ciidamo la wareegeen

Hargeisa  ( Kalshaale ) Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay, Waxaana  Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa  xalay la geeyay ciidamo Boolis ah.

Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka.

Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag.

Xukuumadii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi  sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=26371

Posted by on Apr 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented