|

Muqdisho : Madasha Xisbiyada oo Shirkoodii dib u dhigay, Dawladda Federaalku Doorashada dib ma u dhigi doontaa ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dib u dhigay Shir ay isugu imaan lahaayeen oo ujeedkiisa ahaa in Hal xisbi ku midoobaan, kaddib markii Madasha ku heshiisay inay hal xisbi ku midoobaan.

War saxaafadeed kasoo baxay Madasha oo ay Hogaamiyaan Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh ayaa lagu shaaciyay in shirweynahooda dib ugu dhigeen cudurka Korona Fayrus owgiis, waxa ayna xuseen in dib kasoo sheegi doonaan xiliga uu furmayo shirweynaha xisbiga.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir ay ku yeesheen horaantii bishii Maarso magaalada Istanbul waxay isku afgarteen inay hal xisbi ku midoobaan, isla markaana la magacaabay Guddi Farsamo oo ka kooban 6 xubnood, kuwaasoo muddo 45 cisho ku soo diyaariya ka gun gaarida shirkaas.

Hase ahaatee go’aanka Madasha ay dib ugu dhigeen shirkooda sababo la xiriida COVID-19 ayaa loo arkaa mid fursad u ah dowladda Federaalka inay dhankeeda dib uga dhigto doorashada soo socota, Arimo la xidhiidha Cudurka Korona Fayrus dartii, Waxaana xusid mudan in hada dalka ay istaageen inta Badan shaqooyinkii Caadigaa iyo Howlihii horyaallay Xukuumadda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=26366

Posted by on Apr 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Muqdisho : Madasha Xisbiyada oo Shirkoodii dib u dhigay, Dawladda Federaalku Doorashada dib ma u dhigi doontaa ?”

  1. Farmaajo waa inuu Fahmo inuu noqondoono Ninkii ugu horeeyey oo reer Qurac ah, oo doorasho lagu doorto HADANA DOORASHO UGA DEGO.

    Waa inuu Taariikhdaas ku biiro, haddii lake sidii C/Yuusuf ayuu EXILE KU DAMBEYN.

    * Tartan iyo Tanaasul waaye Tubta Towraddeena, Ninkey dhibeysana TAQAANTIQIS WAAYE.

  2. Sababtaan Farmaajo u dooraney waxey aheyd inuu Kismaayo hooskeeno Villa Xamar, wuu ku fashilmey middaas, hadduu Hankiisu Dhaafi waayey xaafadaha Xamar, majirto waqti DAMBE oo lagu sii jiridiino Tafaraaruqa Maamulada maqan iyo Qabyada Xamar.

    – Sharaf ayaan kugu dooraney, ee aqbal inaad sharaf uga baxdo Villada.

    Dariiqi Kampala ee Kablalax ku mariyey, waan kaala xishooneynaa SEEDIYOW.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented