|

Boqor Burhaan oo Gudi u magacaabay Arinta Qardho iyo Gaas iyo Faroole oo ku baaqay in DENI looga dambeeyo

Garoowe ( Kalshaale )Boqor burhaan Boqor Muuse ayaa magacaabay Gudi ka shaqayn doona gurmadka dadka waxyeeladu ka soo gaartay daadkii Qardho hargiyey boqorku wuxuu sheegay in markii dad badan dalka iyo dibadaba ka soo waceen oo ay waydiyeen cid ay wax ku soo hagaajiyaan uu magacaabay Gudi degaanka ah oo howsha ka xigsada.

Waxaana arintaan ku soo beegmaysa iyadoo xalay madaxwaynaha Puntland uu magacaanay Gudiga gurmadka qardho oo ka kooban wasiiro, Culumo, Xildhibaano Siyaasiyiin magac leh iyo Ganacsato.

Dad badan waxay is waydiinayaan sida Gudiyadaasi u wada shaqayn karaan iyo surtagalnimada Madaxwaynaha iyo Boqorku Gudiyada ku midayn karaan.

Dhinaca kale  Madaxwaynayaashii hore ee Puntland Cabdirahmaan Faroole iyo  Cabdiweli Cali Gaas oo uu weheliyo Senator Abdirisaq Jurile oo Maanta Garoowe warbaahinta kula hadlay ayaa ku taliyey Hogaaminta iyo isku dubaridka gurmadka Qarho in looga dambeeyo Xukuumada talada Puntland haysa.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=26351

Posted by on Apr 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Boqor Burhaan oo Gudi u magacaabay Arinta Qardho iyo Gaas iyo Faroole oo ku baaqay in DENI looga dambeeyo”

  1. Ma dawlad baa isagu?kkk

  2. Jareerkan xirtey shukada Carabta, ma wuxuu isku qaldahayaa Muumulka shacabku doortey, iyo Beel-daaqenimadiisa.

    Orod Zekada carabta soo tuugso Qardho Governor Deni ayaa maamulka.

    – Xabash Carab ismoodey iga dheh

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented