|

C.raxmaan C.shakuur oo sheegay in dhaqan la yaab leh uu kusoo kordhay Soomaaliya ! iyo Faallo uu ka Qoray

Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Faallo uu Qoray wuxuu kusoo bandhigay dhaqan Cusub oo sheegay inuu kusoo kordhay Soomaaliya.

Dhaqanka i ammaan, ii cammir waa mid sanadihii danbe dalkeenna, gaar ahaan masraxa siyaasadda iyo adeegga danta guud si wayn ugu baahay. Wuxuu ku billawday masuuliyiin xilal heer xildhibaan, Wasiir, safiir, gobol iyo degmo oo maalin walba baraha bulshada ku ammaana madaxda sare ee dowladda.

Laakiin fayriskii wuu faafay, wuxuuna ku baahay meel kasta. Kuwii shalay madaxda ammaanayey ayaa iyagii qudhoodii u baahday in la ammaano, sababtoo ah ammaanta baraha bulshada ayaa halbeeg u noqotay hawlkarnimada iyo waxqabadka .

Laga billaabo madaxweyne illaa guddoomiye degmo, taliye saldhig mashruuca isoo ammaan oo ii soo camir saaxiib ayaa lagu wada jiraa.

Xitaa haddii aad mucaarad tahay oo saaxibkaa ama qof tolkaa ah xil loo magacaabo waa in aad hambalyo dirtaa, maalmo kaddibna wax qabadkiisa ammaantaa, Haddii kale xilka siima heysanayo.

Xil waxaad ku haysan kartaa oo keli ah in aad madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ammaanto, adigana lagu soo ammaano.

Dhaqankani wuxuu lumiyey qiyamkii iyo akhlaaqdii shaqo iyo shaqaalenimo, waxaa meesha ka baxay qiimeyntii iyo miisaankii dhabta ahaa ee hawlkarnimada iyo waxqabadka danta guud ee qofka lagu aaminay. Waxaa soo baxay waxqabad wada Cabdalle-Shiddeeye ah oo faalso iyo fake wada miiran ah.

Tani waxey niyad iyo han jab ku ridday hawl-wadeenkii dhabta ahaa ee daljirka dahsoon ahaa, sababtoo ah waxaa guusha hawshii uu ku soo dhibtooday, habeenno badana u dhafray, naftana u soo huray, si sahal iyo dhowr sawir ku magac qaadanaya mid saacado kooban iyo maalmo yar goobta shaqada yimid, laakiin baraha bulshada madaxda ka ammaanay, isaguna saaxiibadiis u soo camireen.

Dhaqankani wuxuu fasahaadiyey jiil idil, wuxuuna quus ku riday dhallinyaro dalkooda iyo danta guud u heellanaa. Sababtoo ah waxay arkaan in halbeegga shaqo siinta, dalacsiinta, abaalmarinta, sharaf siinta uu la eg yahay inta aad madaxda ammaanto, adigana lagu soo ammaano.

Xitaa waxaad arkaysaa in dhallinyaradii fara ku tiriska ahayd ee isku dayga muuqda laahaa oo dhinacooda safka ammaanta ka galay, sababtoo ah waa la soo wacanayaa, saaxiibow maanta uun ii soo cammir, in aad hawl wanaagsan hayo, har iyo habeen danta qaranka u taagnahay iyo danta deegaanka.

Inta ka aragtida duwan kooxda N&N waa in ay marinka N&N ku dhicin, balse waa in lala diriraa dhqanka igu sawir, i ammaan, ii soo cammir, kaasoo dilay qiyamkii, akhlaaqdii, anshaxii iyo asluubkii siyaasadeed iyo adeegga danta guud.

Kooxda N&N waxay ay na badeen waxaa ka wayn waxa ay bareen.

Quraanku wuxuu leeyahay

كَم مِّن فِئَةٍ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةً بِإِذْنِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ

Imisa ayey koox yar ka guulaystay koox badan idinka Ilaaheey.

Keliya ku dheganaan qiyamka aad aaminsantahay iyo sabar iyo adkaysi lee la iska rabaa. Sabarkana waxaa ugu muhiimsan in aadan natiijo degdeg ah raadin، hankaaguna jebin, halka loo badan yahayna ku kadsoomin.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=26345

Posted by on Apr 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “C.raxmaan C.shakuur oo sheegay in dhaqan la yaab leh uu kusoo kordhay Soomaaliya ! iyo Faallo uu ka Qoray”

  1. ASC.
    DADOW yuu qoraalkaan CCShakuur WAX u siyaadiyay? ANIGA!!!, waxaan arkay rafashada NIN lagu eedey inuu BAD Somali Kenya ka iibsaday. ≈©≈C/Shakuur adeer haysku lugooyn CEEB u raadin Farmaajo/Khayre Somali baratay Adduunkuna aragye. ≈©≈Adeer miyaadan arag INAY Dawladihi Adduunkoo dhan ay leeyihiin; “AR Farmaajo/Khayre noo geeya”. WBT

  2. cabdillaahi M. Abdi

    Waxaan Maqli Jiray Maroodigu Takarta saaran ma arko ee ka kale ta saran buu arkaa? Wadankaad iibisay baa maqan oo addoontii Kenya najasadooda naga durka ka la”anahay..Adoo Kala ma hadlo….

  3. Dhaqanka I Amaan ii camir

    Waa dhaqankii Shuuciga,

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented