|

Daawo Video Sheikh Dirir : Su’aalo iyo Jawaabo Diini ah “Hadii Biyaha Taranku RIYO kaaga yimaadaan adigoo Sooman”

Hargeisa ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Su’aalo iyo jawaabo diini ah, oo Sheikh Maxamed Cumar Dirir uga Jawaabayo arimo Muhiim ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Su’aalaha la waydiiyey Sheikh Dirir ayaa waxaa kamid ah “Hadii Qofka isagoo Sooman, ay Riyyo uga yimaadaan Biyaha Taranka, Miyuu ka Jawabayaa Soonka ? “.

Sheikha ayaa arintaasi uga jawaabay inaysan Soonku ka Jabi doonin Qofkaasi, oo arintaasi ay tahay mid ka wayn Awoodiisa, balse uu Qubays/Maydhasho la imaan doono”.

Sidoo kale sheikh ayaa wax laga waydiiyey Arimo la Xidhiidha Bulshada, Xaaskaagu hadii ay diinta Caydo ? ayaa la waydiiyey sheikh wuxuuna sheegay in Qofka hadii uu diinta Caayo uu ku dhacayo Gaalnimo, Markaasna ay ka Furmayso Ninkeeda, Wuxuuna usoo jeediyey inay Toobad keento.

Qoys Xabaal Guri la dul dhistay oo dib ka ogaaday ayaa waydiiyey Sheikha Arintaasi, wuxuuna sheegay in hadii ay Xabaashu horaysay Guriga la duminayo, Balse hadii gurigu horeeyay Xabaasha la saarayo”.

Arimo kale oo Muhiim ah ayuu sheekhu uga hadlay Barnaamijka Su’aalaha iyo Jawaabaha ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=26338

Posted by on Apr 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented