|

Duqayn Khasaare Ba’an loogu gaystay Ciidamo Alshabaab ah oo Diyaarinayey Qaraxyo iyo Weeraro !

Muqdisho ( Kalshaale ) Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn ayaa xalay duqeymo ka fuliyay degmooyinka Bu’aale iyo Salagle ee gobalka Jubada Dhexe, sida ay noo sheegeen saraakiisha Soomaaliya ee Jubbooyinka.

Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ciidan iyo goobo kale oo muhiim ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha.

Wararka aan ka helnay saraakiil ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegaya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan xarun lagu diyaariyay dagaalamayaal weerar ka geesta gobalada dalka iyo Muqdisho 17-ka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dagaalamayaasha qaar ee duqeynta ku dhintay loo diyaariyay in todobaadkaan ay weeraraan degmada Baardheere ee gobalka Gedo iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Gedo.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada howlgalka fuliyay hase yeeshee saraakiil xog ogaal ah ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus ka soo gaaray duqeyntii xalay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=26312

Posted by on Apr 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented