|

Madasha ay Hogaamiyaan Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo Qaadatay Eedayntii Kenya iyo War la yaab leh !

Muqdisho ( Kalshaale ) Madasha Xisbiyadda Qaran ee ay Hogaamiyaan Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin u gudbiyey Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraalka Madasha ayaa lagu xusay eedeymaha Fahad Yaasiin loo heysto ay ka mid yihiin wararka sheegaya in heyadda NISA iyo xubno ka tirsan al-shabaab ay leeyihiin wada shaqeyn hoose kuwaasoo ay baahiyeen warbaahinta Kenya qaarkood inkastoo dowlada Somaia ay beenisay arintaas.

Sidoo kale Madasha ayaa sheegtay iney ka xun tahay in NISA laga sifeeyey ciidamadii iyo saraakiishii loo tababaray arrimaha sirdoonka Qaranka loona gacan geliyey hogaankeeda shaqsiyaad leh dano siyaasadeed oo gaar ah.

Arintan ayaa waxay kusoo aadaysaa  Iyadoo Todobaadkii  la soo dhaafay waxa uu dagaal dhanka Sirdoonka ah dhexmaray Dowladdeena iyo tan Kenya.

Sida ku cad halkan, madasha Xisbiyada oo ay Hogaamiyaan Laba Madaxweyne oo dalka soo martay, waxay si aan ganbasho laheyn u garab istaageen eedeeyntii ay Dowlada Kenya ujeedisay Soomalia waxay diideen jawaabtii Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=26296

Posted by on Apr 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Madasha ay Hogaamiyaan Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo Qaadatay Eedayntii Kenya iyo War la yaab leh !”

  1. Qorayaasha Kalshaale Fadlan isma laha ciwaanka iyo dulucdda qormaddu. “”Qaadacay” micnaheeddu waa ka soo horjeestay.

    • “Qaadacday” kuma qorna ciwaanka ee si wacan u akhri ciwaanka walaal.

      Madasha oo “qaadatay” ayaa ku qoran ciwaanka

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented