Daawo: Wasiirada Cusub ee Galmudug iyo Xildhibaan FIQI oo kasoo dhex-muuqday [Akhriso+Muuqaal]

Dhuusamareeb ( Kalshaale )  Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor] ayaa shaaciyey golihiisa Wasiirada oo ka kooban 23 Wasiir, waxa kamid ah 2 xildhibaan oo deegaanada Galmudug ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi taliyihii hore ee Nabadsugidda Soomaaliya ayaa noqday Wasiirka Amniga gudaha Galmudug halka xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye loo magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga, Waxayna kamid ahaayeen Xildhibaanada Sida wayn u dhaliila Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirada Cusub ee Galmudug Sidoo kale  waxaa kasoo dhex muuqday Axmed Shire Falagle oo kamid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Qoor-Qoor, waxaana loo magacaabay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug ayaa waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta u soo noqday dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

HALKAN KA DAAWO MAGACABIISTA WASIIRADA CUSUB

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Dabshid says:

    Ramadan Mubarak xerta Kalshaale

    Sida Muuqato
    Fiqi wuxuu ku sharfey kursigii Parliament Xamar Mr Xaaf, asaguna wuxuu sugaa HAGBADDA DAMBE.

    – Dalku waa nabad iyo Huur la’aan, HADEY

    Isaaq, Majeerten iyo Habar-Gidir iimaansadeen GOOFKOODII.

    -Ashaamudkana waxaa ku filan Luf Lufka Goof Mudulood.

    * sharciga Federalka hala ilaaliyo.

  2. Dabshid says:

    Xildhibaan Saabir xitaa waa nacey Kursigii Xamar. Xamar waa Uf iga dheh.

    * Boowe Xamar laga reysay




Colaada Beelaha oo Mashruuc Cusub Ka noqotay Gobolada SSC iyo Wafdi ku baxay Gobolka Sool oo Shil galay
- Aug 13, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Wafti  Isimo iyo Cuqaal ah oo kasoo baxay  galabta magaalada ...
MUUQAAL: Axmed Karaash oo Garoowe kusoo Noqday iyo soo dhowayntii uu la kulmay
- Aug 13, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe lagu soo dhoweeyay ...
MUUQAAL: Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar Xiiso leh
- Aug 13, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar ...
Muuqaal: Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta oo lagu qabtay Muqdisho
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta ...
Maraykanka oo War Xasaasi ah kasoo saaray Doorashada Somalia iyo Xiligeeda inay ku dhacdo !
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo maalin keliya ka hadhsan tahay shirkii Dhuusamareeb isla markaana ...