|

MUUQAAL: Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Arimo Xasasi ah iyo Shirkii uu qabtay, Wuu ka dayriyey Xaalada S.land

Hargeisa ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Maanta shir Jaraa’id ku Qabtay magaalada Hargeisa ayaa ka hadlay Arimo kala duwan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horayn Faysal ayaa sheegay inuu soo dhowaynayo Bisha Barakaysan ee Ramadaan, Wuxuuna alle ka baryey inuu Cudurka dunida ku Faafay dadka dhinac ka mariyo, Wuxuuna u mahad celiyey dadka gacanta u fidiyey Somaliland wakhtigan adag.

“Itoobiya khatar ayay nagu haysaa, oo dhaqankeena iyo Caruurteena ayay ka khatar ku haysaa, Waxa dhibaato dhacaysa waa Qaadka, Fusuq ayuu inoo keenay Qaadku, Markaa waxaan leeyahay arinta Qaadku waxay u baahan tahay Hadii ayno Awoodno inaynu ka xidhno Bishaa ama Labadaa Bilood, Waana in dhaqaalle loo helo dadka ka ganacsada”. Ayuu yidhi Faysal oo sheegay inaan Qaadka la joojin karin.

Faysal wuxuu sidoo kale siwayn u dhaliilay Culimo dhowaan ka hadlay Warbaahinta kuwaasi oo sheegay inaan Masaajida la xidhin, Xili ay shaqaynayaan goobihii Qaadku.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaalka kasoo Cusboonaaday deegaanka Fadhigaab ee hoostaga degmada Ceel-Afwayn ee Gobolka sanaag, Wuxuuna sheegay inay Somaliland uu gacanta ka baxay Sharcigii.

“Baarlamaankii, Guurti iyo Dawladihihii hoose ma shaqaynayaan, Wasaarad si rasmi ah u shaqaynaysa ma jirto, Dawladii way shiiqday, Waxaan ka baqayaa inay Burburto Dawladii ” ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=25951

Posted by on Apr 21 2020. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, VIDEO, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “MUUQAAL: Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Arimo Xasasi ah iyo Shirkii uu qabtay, Wuu ka dayriyey Xaalada S.land”

  1. Faysal Cali Waraabe wuxuu 30 sano wax ku cunayey xisbi jeebka ku sito oo marna Habar Xabuusheedka u hanjabo marna Somalia marna Puntland marna Ogadenia……kkkkkkk
    Waligey ma arag nin aduunka xisbi bug ah hogaamiya 30 sano.
    Xisbigii muddo ku guulaysan waaya in talada qabtaan waxaa la badelaa hogaanka, asaga waa joogto, waa nin xisbi Ucud jeebka ku sito…..kkkkkkkk
    Ha iska noolaado laakiin ma aaminsani in xitaa reer Somaliland serious u qaataan warkiisa.
    Somaliland pension ma jiro miyaa, may odaygaan jiifkiikiisa Lacag ku siiyaan.
    Fucking qaylo quute, maanta dhan Somalida isku diraa🤒

  2. Kkkkkkkkkkkkkkkk
    Markii nala xasuuqayey tolow kelmadan ma lacag baa lagu siiyaa? 30 sano miyaad aragtay dad lasoo taagan waanala XASUUQAY NIIIIIIIIC yaab badan xishood daranaa: ninkani wuxuu ku eedeeyaa odayasha SNM ee ay ku sheegaan GUURTI AMA BAARLAMAAN in ay kuraasta kh fadhiyaan sharci darro bal isaga xisbi yar oo xataa Ciidagale uga yaacay jeebka ku sita isma arko miyaa?

    Xiligaas ayuu weli leeyahay markii Afweyne ridanay Iyo nala xasuuqayey kkkkkkk Afweyni ma adigaa riday Diqonyohow mise Soomali oo dhan baa riday yaa Majnuun.

    Midda kale ninkani maskaxiyan ayuusanba u fayoobeen Mar wuxuu kuleeyahay SNM waa baabanay wax shaqeynayaa ma jiraan isla markiiba hadana markuu Soomaalida kale xauustay ayuu ku leeyahay S/land miyaad garab dhigaysan Soomalida kale waxaa noo shaqeynaya Dowladnimo, Dimoqraadiyad institution’s ETC!!! Kkkkkkkkkk

    Oo markee been sheegaysaa markaa?
    Wuxuu ku leeyahay 5 Soomaliyeed SNM ayaa ugu wanaagsan?!! Kkkkkkkk Hargaisa wuxuu qiray in aysan Biyo lahayn,wadooyin lahayn, Caafimaad lahayn useless idiot.

    Isaga lama yaabani laakiin dadkan dhegaysanaya ayaan la yaabanahay.

  3. Xisbigaas yar ee uu gurada ku sitaa labo goor ayuu intuu urur noqdey soo baxey oo xisbi noqdey. Faysal wixii doonaba halagu sheego, labo ayuunbaan mad madow la gelin Karin. Inuu yahay siyaasi xariif ah oo dharaartii dhalatoba yaqaana meeluhuu fadh fadhi lahaa oo uu wax ka dayi lahaa iyo inuu Somalilander dhab ah yahay. Sidaas darteed anigu waxaan qabaa hadii marka ururada la furo haduu Ucid kasoo saaro oo xisbinimo ku guuleysto waayona nin kale oo xiniinyo leh oo kala wareega Hogaaminta Xisbiga dee 20 kaloo sanadood oo kale gurada haku sito. Xaqbuu taas u leeyahay.

  4. Dhanka kale dee siyaasada gudaha iyo ta dibadu waa kala jaad. Markuu Somaliland gudaheeda dhaliilayo ee miisaan gaar ah ayuu ku dhaliilayaa. Wasaaradii shaqo baaxad leh shicibkeeda u qaban jirtey ee xafiisyada ku laheyd Gobolada iyo magaalooyinka wadanka oo dhan haduu hoos u dhac ku yimaado oo la dhaliilo dee taas macnaheedu maaha iney u dhigmato wasaarad Muuqdisho uun ka dhisan oo magac u yaal ah sidii loo dhaliilo lahaa.

    Shanta Soomaaliyeed Jabuutina ka dhahoo Somaliland ayaa ugu wacan. Taas Faysal been kamuu sheegin.

    Dawlada Farmaajo ee Baraha Bulshada ka aloosan waxaa 10 jeer ka mucweyn oo ka tayo badan ta Puntland ee weli yagleelka ku jirta. Waxa keli ah ee uu Farmaajo jeebada ku sitaa ee uu kolba diyaarad la fuulaa waa warqadaas yar ee aqoonsiga iyo Malaayiinta aduunyadu ladabo taagan tahay si mar uun ay Soomaaliya cagaheeda iskugu taagto. Malaayiintaasna kolba intii timaada ayuunbaa daldalata dabadeedna meeshii oo halkii waxba aanan dhaafin ka dhaqaajisa. Farmaajo Sanadbaa u hadhey. Hadaanu Corona Virusku faa’iido mudo korodhsi u dhalin oo uusan wakhtiga dheereysan, dee wuxuu tegeyaa isagoo xitaa intii yareyd ee is ogoleyd gurada isku wada geliyay. Alshabaab oo weli Soo ceegaagta oo weliba imika illaa iyo Dekedii Muqdisho cashuurta. Hada kolka laga yimaado ganacsatadii caadiga aheyd. Ninka hal konteynar qari is yodhaa Alshabaab wey ku qabataa oo waxey tidhaa intaasaa konteynar ayaa kuu soo degey. Waayo waxey helaan xogta xadiga wixii Soo dega oo dhan. Hal tan kama fakado. Waa mucjiso horleh oo ay soo kordhisay Dawlada Farmaajo.

    Farmaajo waxa kale oo ka tegayaa meesha isagoo jeebadiisa mooyaane aanan wax kaloo wacan oo uu horumar gaadhsiiyay aysan jirin. Xitaa ciidamda badan ee la tobobaray waa madiibo hor leh. Mid walba Dawlad qalaad oo gaar ah ayaa tobobaratay. Market mushaharada ka joojisatona maleeshiyo ayay isku bedeli doonaan meel walba isbaaro dhigata.

    Bararaqda Baraha Bulshada kasoo

  5. Hayaan

    Waar iska aamus adigu dadka laysku haystaad tahee!kkk kkk kkk

  6. waa bil ramadaan kuligiin ceebtiina ma aragtaane dadkaa iyo dawladaha adduunkaa idiin arka intaad waqti kulumineysaan qabyaalad aan meelna lagu gaadheyn quraanka Eebbe akhrista.

Leave a Reply to Ahmed

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented