Madaxwayne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed Fariin muhiim ah la wadaagay

Muqdisho ( Kalshaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19 ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awooddeena dowladnimada, hannaanka nolosha dadkeenna ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada socda ee lagaga hortagayo cudurkan safmarka ah.

“Dowlad ahaan waxa aynu nahayd dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19, Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan.

Dhammaad

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Abdinuur says:

    Aamin ducada ulul amriga allaah hainoowaqbalo
    Aamiin




Colaada Beelaha oo Mashruuc Cusub Ka noqotay Gobolada SSC iyo Wafdi ku baxay Gobolka Sool oo Shil galay
- Aug 13, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Wafti  Isimo iyo Cuqaal ah oo kasoo baxay  galabta magaalada ...
MUUQAAL: Axmed Karaash oo Garoowe kusoo Noqday iyo soo dhowayntii uu la kulmay
- Aug 13, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe lagu soo dhoweeyay ...
MUUQAAL: Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar Xiiso leh
- Aug 13, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar ...
Muuqaal: Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta oo lagu qabtay Muqdisho
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta ...
Maraykanka oo War Xasaasi ah kasoo saaray Doorashada Somalia iyo Xiligeeda inay ku dhacdo !
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo maalin keliya ka hadhsan tahay shirkii Dhuusamareeb isla markaana ...