Safaaradda Maraykanka ee Somalia oo ka hadashay Xiisada NISA Iyo Haaruun Macruuf !
Muqdisho ( Kalshaale ) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban uga hadashay eedeynta ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga VOA ee ay leedahay dowladda Mareykanka.
Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay Qaybta Falcelinta ee twitter-ka ayaa lagu sheegay in “weerarada NISA ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf” ay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta.
“Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda .
Arintan ayaa waxay sidoo kale Abuurtay Dood Cusub, Waxaana dadka Qaar ay Dawladda Maraykanka ugu baaqeen inaysan Faragashan arimaha gudaha ee Soomaaliya.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=25180