Maxaa ka jira inay Kenya heshiis dhexdhigtay Axmed Madoobe, Seeraar iyo XIDIG ?
Nairobi ( Kalshaale ) Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa kulamo ku yeeshay Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig, oo Dhamaantood sheegtay Madaxwaynaha Jubbaland, Balse Doorashooyinkaasi ay diiday DF Soomaaliya.
Waxaa lagu soo waramayaa in Heshiiska iyo Wadahadlka dhexmaray ay Gadhwadeen ka ahayd dowladda Kenya oo ka shaqeysay sidii la isugu keeni lahaa Axmed Madoobe iyo xubnaha ku haysta xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah is-beddel doonka, kuna sugan magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dhinacyada ay isku raaceen qodobo ay ka mid yihiin in madaxweyne Axmed Madoobe loo daayo xilka madaxweynaha, islamarkaana xubnaha kale lagu qanciyo waxyaabo kale.
Jookar ayaa intaas ku daray in Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ay qasabtay dowladda Kenya.
“Waxaan maqleynaa oo Jubbaland ay aad uga xuntahay, Seeraar iyo Xidig waxaa qasabtay Nairobi, oo qodobo ayaa la soo saarteen Axmed Madoobe. Dhammaan xubnihii Is-beddel doonka ee Kismaayo arrintaas ayey ka shireen, aad ayaan uga xunnahay, mana soo dhooweyneyno. Sidii ay meesha uga soo bixi lahaayeen ha uga soo baxaan,” ayuu yidhi Jookar.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe, iyo Seeraar iyo Xidig, Balse Horraantii bishii Febraayo ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya looga soo qaaday magaalada Kismaayo.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=25164
– Aan wada hadalno waa aan heshiino
—————————————–
. Hadal nin badiyey ma wada odhan, nin yareeyayna kama wada tegin: …
——————————————-
qiimaha nabada** Nabadu Waa Furaha Nolosha –
Oo haddaad leedahey 3 Qowsaar miyaadan heshiis dhex dhigteen Hadey ku dagaalamaan anigaa Shaaha u geyn Mudiirka.
Haddoo kale ayaad ogaan sababta Xornimada Siiyey Caasimadaha Irir Samale – Jabuuti, Hargeysa iyo Xamar
Kuwii kalena qarnigaan hoos dhigey Gumeystaha Madow.
– Nin Gaaweeto Hoorsadey Sariig maleh
Dabshid
Kkkkkkkk
Irir samaale kulahaa war nin yohow islayaab oo camal Alla waydiiso.
Isbahaysi anti-daarood meelna gaari maayee.
Waxaan wax iska galin ha isku kooleeyn.
Faysal cali baan ka hayaa dabshid awoowgi wuxuu sibirka u xamaali jiray Xaange adeerk adeerki
ACWW War ma fiican tihiin CARONO illahay ma idinka badbaadiyay?
Inta aan xogta ku hayo wax weyn ma jiraan heshiina laguma sheegi karo.
Kenya sirdoonkeeda iyo Kenyan public prosecutor Nuuradiin Yuusuf Xaaji ahaana ninkii Kenya siiyay macluumaadkii ay kenya kusoo gashay Somaliya iyo nin ka socda Aadan Bare Ducaale ayaa la kulmay Seeraar iyo Xidig ma hubo waxa ay u shegeen in ay khasbeen iyo in kale.
MAXAY KUSOO KORDHINAYSAA ARRINTAA?=ZERO.
Qoladaan NN Waxaa ay wataan agenda iyaga u gaar ah,markii horeba 2 nin midkoodna ma aysan wadan.
Maxaa keenay in ay mucaaradaan Axmed?aragtidayda.
1-Xidig AXMED wey isku dhaceen waliba ay ka gaartay xiniinyo taabasho,taas Xidig waxaa uu u arkay mid soo afjarayso han kisii siyaasadeed sababtoo ah MP in uu noqdo waxaa ay hoos tagaysaa Axmed shaqsi ahaan Xidig wuxuu ogaday nin kale in uu wato ogow wuxuu intaa u maraayo waa un MP.
2-Seerar waxaa looga baxay balamo,sida in Macalin maxamed laga door biday jifaysi marka la eego,sidoo kale heshiis hoose ayaa jiray baa la leeyahay seerar wixii absame dawladda dhexe ugasoo aadaa in isaga uu galo taana waa diideen NN oo Axmed wax uu wato in ay wax ku darsadaan.
Yeywataan?Ninkaan OOMAAR ayaa loo badinayaa.Ciidankaan hadda soo galay waxaa ay ku wajahan yihiin Dhoobley illaa Raaskambooni,waxaa jira ciidan kale oo Amison Ethiopia+ciidanka DF jooga Baardheere,Diinsoor iyo kuwa laga keenay Xamar kuwaa waxaa ay tagi doonaa Bu’aale iyo Kismaayo markaa un baa la ogaan siday wax u socdaan.
Kenya waxaa ay hubaynaysaa Cabdirashid Janan iyo Col Cabaas iyo Mxamud Sayid waxaa ii muqda farsamaddii TIGREE in Kenya ay la wareegtay oo aanay 1 warlord hubaynayn illaa 4,5.6 iyagan beri isku jeesan doona sidaa darteed Kenya iyo Ethiopia waa isku strategy NO DIFFERENT thay have 1 goal CONTINOIUTION OF ENDLESS MARYOOLEEY DAGAAL.
Ceel biyo,dhul qalalan la isku dilo tuulo dadkeedi baahan yihiin la isku dilo.
Asc horta nimankan heshiiyey waa ragii jubbaland lahaa oo waxba inakama gelin lkn Dabshid waa nin xanuunsan oo weliba kalsooni daro hayso wuxu ku khafiifay irir iyo kenya xamar waa caasimada somaliya reer gaarihi malaha Ugaba iyo Burundi iyo caddaan iyo turkush iyo amxaaroba waa joogaan galguduud hiiraan hirshabeele koonfur galbeed bal Macau kaga duwanyihiin kuwa jenya?ale hacaafiyo Dabshid
Xamar cadeey caasimada soomaaliya ilaahay nabad haka dhigo oo haka saaro Ugaanda iyo Burundi dalka waxa xor ka ah somaliland iyo puntland inta kale gumaysi bay kujiraane runta halaga hadlo hadii kale wax layska qorqoraa macno samaynmaayo WBT
Asa
Umalayn maayo inuu wax wayn jiro, laakiin daanyeernimada Soomaalida unbaa ka muuqata meesha.
Bal yey matalaan waa iyaga gumeysiga isu gaynayee.
Nijaas sayn leh
Dabshid
kkkkkkkkkkkk
Waar nin yahow wallaahi waa sii dabayshanaysaa….Caku qabyaalad iyo caqli welfare in Europe.
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors
Axmed Najaad iyo Asad,
wax kaloo dhan waad ka hadali kartaan laakiin abtirsiimo reero kale ha ka hadlina.