|

Jarmalka : Wasiir isku dilay Cudurka Dilaaga ah ee Karoona ! [Warbixin]

Hargeisa ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyada ismaamul goboleedka Hesse ee dalka Jarmalka ayaa is-dilay kadib markii uu si qoto dheer uga murugooday  qaabka uu u xalin doono saameynta dhaqaale ee ka dhalatay Xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Wasiirka oo lagu magacaabo Thomas Schaefer ayaa meydkiisa laga helay agagaarka wado tareen, sidda uu sheegay Volker Bouffier, hogaamiyaha gobolkaas.

Dacwad-oogeyaasha magaalada Wiesbaden ayaa xusay in ay rumeysan yihiin in mas’uulka uu isagu is-dilay, wallow aysan sharaxin qaabka uu u maray dilkiisa. “Aad baan uga naxnay, waanu aamin-la’nahay, dhamaanteena waxa ay nala noqoto ula yaabnay,” ayuu Bouffier ku yidhi muuqaal uu soo duubay.

Booliska iyo xeer-ilaalinta ayaa si wadajir ah u sheegay in xaqiiqooyin, ay kamid yihiin wareysiyo lala yeeshay goobjoogeyaal iyo baaritaan ay goobta iku sameyeen, ay u soo baxday in Schaefer uu is-dilay.

Hesse waxaa ku taala caasimada dhaqaalaha Germany ee Frankfurt. Si lamid ah, waxay fariisin u tahay bangiyo waawey oo uu ku jiro Bangiga Dhexe ee Midowga Yurub, Deutsche Bank iyo Commerzbank.

Mr Schaefer oo toban sano ah Wasiirka Maaliyadda maamulka Hesse ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa siddii uu ula tacaali lahaa saameynta shirkadaha iyo shaqaalaha kasoo gaartay fayruska.

Siyaasiyiinta gobolka ayaa u arkayey in uu noqon karo bedelka Volker Bouffier, hogaamiyaha waqti xaadirkaan ee dowlad goboleedkaas.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=24958

Posted by on Mar 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented