|

Daawo: Dil dhabar-Jab ku ah Nabadii G. Sanaag oo ka Dhacay Fadhi-gaab

Hargeisa  ( Kalshaale ) Deegaanka Fadhigaab  oo ka tirsan Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag,  Waxaa ka dhacay Weerar dhaliyey Khasaare  Isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sudlaan Siciid  Yuusuf Ducaalle oo kamid ah Isimada dhaqanka  ayaa ka hadlay dilkan oo dhabarjab ku ah Nabadayntii Colaadii Ceel-Afwayn iyo deegaanada Gobolka Sanaag ka hana Qaaday.

“Xalay waxaa dil foolxun uu ka dhacay magaalada Fadhigaab ee ka tirsan Degmada Gar-adag, Waxaa ku Geeriyooday Nin iyo Gabadh, Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Nin kale”

Maanu Filaynin dilkan, Mana ahayn wax Niyadda noogu Jiray, deegaanku wuxuu ahaa mid aan In Muddo Ah Xabad ka dhicin, Aad ayaan uga Xunahay,  Waanu ka howl gelaynaa Gacan ku dhiiglihii Xabada Bilaabay, Waxaan leeyahay dadka Nabadda ku wada deganaa aan is xakamayno,  oo wax kale yay dhicin “ Ayuu yidhi Suldaanku.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=24929

Posted by on Mar 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented