Warbixin Cusub : Weerarkii Garoowe iyo Masuuliyadiisa oo Alshabab sheegatay

Garoowe  ( Kalshaale ) Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Caawa ka dhacay magaalada Garoowe iyo Cida Fulisay .

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxii caawa Fiidkii ka dhacay Agagaarka saldhiga booliska gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe, Waxayna sheegeen  in bartilmaameedka uu ahaa gudoomiyaha Nugaal iyo Taliyihii hore ee booliska gobolka.

Balse waxay ka gaabsadeen in ay si cad u sheegaan waxyeeladda guud ee ka dhalatay weerarkaas is-miidaaminta ah oo Jugtiisa laga maqlay Qaybo kamid ah magaalada, Kaasi oo sababay dhaawacyo soo gaadhey gudoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliye Faarax Galangooli, oo xaaladooda lala tacaalayo.

Laamaha ammaanka Puntland ayaanan si rasmi ah wali uga hadlin dhacdada iyo wadarta guud ee waxyeelada ka dhalatay qaraxaas, Waxaana sidoo kale uu dhaawac kasoo gaadhay askari kamid ahaa ilaalada mas’uuliyiinta Weerarka lala beegsaday.

Magaalada Garoowe  yaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga fiican Soomaaliya,  Waxayna Falalka liddiga u ah nabad-gelyada waxay ku yihiin naadir ah.

Siyaasiga  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee caawa fiidkii ka dhacay magaalada Garoowe,  Wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa “mid argagixiso”.

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Weerarka lala beegsaday uu dhaawacoodu yahay “mid culus” ayna ku jiraan qolka xaaladda deg-deg ah.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo kabasho degdeg ah wuxuu u rajeeyay mas’uuliyiinta, Wuxuuna Alle uga baryaye inuu Caafimaad¬† degdeg ah Siiyo.

GUDOOMIYIHII GOBOLKA NUGAAL, AYAA U GEERIYOODAY DHAAWACII AHN.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Guulwade says:

    Ree puntland. Waxay iskudayeen. Inqilab
    Ssdf noqdeen. Amxaaro utageen. Kusoo jabeen. Etixaad.qabsaday barI
    Gaalkacyo usc
    22 sano maamulgobeleed
    Buraha galgala. Xorayn wayeen
    Gobalka sool xoog iyo xeelad looga qabsaday. Siyaditinta. Madaxwenyashoda. Kuxigeenka oda. Waxgaradka oda. Gaalkacyo bosaso. Garoowe lagu laayay. Kooxyar oo.buraha jooga. Lascaano waxay yiraahdaan tularaq iyo garoowe snm soo deg tay. Sass ayay rabeen inay somali wayn ku xukumaan. Waa riyo riyo iyo
    Harti. Iyo.Maxamuud saleebaan. Kkkkk.kaga darane dawaldii kacankii isku tageen ilaa oo cidana dii xooga cagta mariyeen ee jegaanta. Snm xataa lamid waxba isma dhamaan. Snm ssdf. .

  2. Dhagacade says:

    Guulwade you are sick person and you need to find a docter.
    Waad buktaa ee allah ku caafiyo.

    Wa bilaahi toofiiq




Colaada Beelaha oo Mashruuc Cusub Ka noqotay Gobolada SSC iyo Wafdi ku baxay Gobolka Sool oo Shil galay
- Aug 13, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Wafti  Isimo iyo Cuqaal ah oo kasoo baxay  galabta magaalada ...
MUUQAAL: Axmed Karaash oo Garoowe kusoo Noqday iyo soo dhowayntii uu la kulmay
- Aug 13, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe lagu soo dhoweeyay ...
MUUQAAL: Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar Xiiso leh
- Aug 13, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Inqilaabka Aljeeriya uu Turkigu Fashiliyey, Arinta Trump iyo Warar ...
Muuqaal: Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta oo lagu qabtay Muqdisho
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dood ku saabsan Nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta ...
Maraykanka oo War Xasaasi ah kasoo saaray Doorashada Somalia iyo Xiligeeda inay ku dhacdo !
- Aug 13, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo maalin keliya ka hadhsan tahay shirkii Dhuusamareeb isla markaana ...