C.raxmaan C.shakuur oo dhaliilay DFS kadib dhirbaaxadii Ahlusunah
Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdirashuur ayaa eedaymo usoo jeediyey DFS Kadib dhirbaaxadii ay Ciidamadu ku dhufteen Kooxda Ahlusunah oo Muddo dheer diiday wadahadal, Kana baxay Heshiisyadii ay la galeen Xukuumadda, Iyadoo Wakhtiyo badan uu Dhuusamareeb ugu tagay Raysal wasaare Khayre, Sidoo kalana Caqabad ku Noqday dhismaha Maamulka Galmudug.
AKHRISO – HADALKA C.RAXMAAN CABDISHAKUUR
“Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco.
Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay.
Dawlada Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Alshabab, iyo xaqiraada lagula kacay hogaankii Ahlusunna. Dawlada Federaalka ah iyadoo heli kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayd.
Hogaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?”
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=23438
Xasuuq maha .3 beled. Oo kursi isku haysta. Besha cayr
Besha sacad
Besha saleebaan
Mucarad federaalka
Ehlusuna
Galmudug
Xisbiyo
Cadado
Dhusa mareb
Baraxley
Xildhibaano galmudug
Xisbiyada muqfsho
Federaalka yuu raaca. Ilaa usc wali 91 tagan yihiin. Markasay waxay ee yaan intay dad noqon wayeen. Madaxweynaha waliba raysalwasaaraha. Iyo federaalka. Waxay kahadlaan kuwooda yirahda.waxabasm baratay jubaland somaliland puntlabd. Kinya ethiopia. Dorashada maqamka kkkkkkl.
Aad iyo aad baan uga xumahay in culimada LA weeraro.
Muddo cheer ayey LA dagaalmayeen alshabaab.
Waxay joogaan degaankoodii/guryahoodii.
Waan ka xumahay in culimada LA bahdilo.