|

Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamud oo isku dhiibay Ciidamada DF iyo Wararkii u dambeeyay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya, Iyadoo looga Adkaaday dagaalkii magaalada Dhuusamareeb.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xarunta INJI, oo ahayd halkii ay degenaayeen hoggaanka Ahlu-Sunna, islamarkaana uu shalay dagaalka xooggan ka dhacay ayaa aroortii saaka u gacan gashay ciidamada dowladda oo gudaha galay.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa ayaga oo bad qaba laga soo saaray xarunta, waxaana hadda ay ku sugan yihiin oo ay la joogaan guriga madaxweynaha Galmuudg Axmed Cabdi Qoor Qoor, Waxaana la sheegayaa in loo soo duulin doono magaalada Muqdisho, balse ilo-wareedyo  kale ayaa sheegaya inay ku dhowaaqi doonaan inay nabad qaateen.

Ciidamada Dawladda Federalku waxay gebi ahaanba soo Afjareen dagaalkii kooxda Ahlusunna ee Dhuusomareeb.

1: Ciidamada Dawladdu waxay la wareegeen dhammaan Hubkii Kooxda Ahlusunna.

2: Ciidamada DF Soomaaliya waxay sidoo kale la wareegeen Saldhigii kooxdaasi.

3: Ciidamada Amaanku waxay kaloo la wareegeen Amaanka Hoggaamiyeyaashii Kooxda Macalin Maxamuud iyo shaakir.

4: Waxaa kaloo Ciidamadii Ahlusunna ee dawladda isu dhiibay la Rejaynayaa in Xeryaha tababarada Ciidamada lagu xerayn doono.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=23435

Posted by on Feb 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamud oo isku dhiibay Ciidamada DF iyo Wararkii u dambeeyay Dhuusamareeb”

  1. Good news. For all somalian

  2. WAA TUUG CULUMO MAAHAN

    BAL U FIIRSO!!

    SO-CALLED SHEIKH SHARIF WAA ISDHIIBAY KADIB MARKII CAYAALKII LA LAAYAY

    XASAN DAAHIR AWAYS LAMID

    ROOBOW SIDOO KALE

    KUWANA WAA UJEEDAAN,

    MIYAANAY TUUG MACAASH DOONA AHAYN?

    MEEDAY DIINTII??????

  3. Adigoo awood leh hadaad diido in aad taliso ama laguu taliyo. Sidaan oo kale oo ayaa kuu danbeyso.

    Ahlusubagle wexey ahayeen qodax galmudug caloosha kaga mudan.

    Waan hubaa galmudug idiinma darsan doonto.

  4. Dhusa mareeb
    Cadado
    Barxleey .galmudug xisbiyo mucarad ehlusuna. Cabdishakuur. Mahad fiqi
    Sacad. Saleebaan cayr. 91 tagan yihiin xasuuq maha waa dad is dilay. Kuhalqabsada n federaalka. Lana nagoid isdilaan farmaajo kheyr. Haka jawaabaan. Intay jubaland puntland federaalka. Kinya ethiopia maqamka ashaab canshuurta siyaan. Isdilaan. Kadib yirahdeen federaalka waa inoo kahadlaa. Halqabsi. Ayaan daro. Dib u heshiin. Wadahadal. Tansul. Dib u eegis. Jabuuti aan aano. Madaxwy faderlka khyre hebel wata iyhawadan baa ka khaldan ashaab maqamka muqdsho. Amison joogta. Kkkkkkkk.wax aan loojoogin kii wax baratay 60 .usc wali kahadlaan horey uma socdaan. Ganacsiga muqfsho anagaa leh shirarka dadka kufedha. Kkk.kaxanaqen rer baadiye kkk.bisada hargaysa kafiican hawiyaha wiil hargasa jooga kkkk. Z

  5. Hororadii cunaha kaga dhegenaa Galguduud hadda way dumeen,
    Shabaab iyo Xaaf haloo dhameeyo, kala danbayn hadii la waayo maryoolay isma bixinayso.
    Fikir Somali Galbeed waa run.

  6. Kkkkkkk

    Waxaan sugahayay in labadan suufi inay hawada sare u duulaan maadaama ay sheegan hayeen inay awliya duusha yihiin.

    kkkkkkk

    Adduunyo xaalkaa ba

    Dhaaxeey dadka been u sheegeen

    Maanta waa maata caana leh

    Axmad Dhuuxulaystana waa in la soo xidhaa isagana inta uusan Nairobi u cararin

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  7. Tani Fariin Cad bay u tahay hargiesa iyo Garoowe . Qarankan Somaliya Bilaash kuma iman , dhiig baa u daatay.

    Hello Kismaanyo, Ahmed madoobe hello Qabridahare .

  8. iidoor yare
    jubbaland nin aan ahayn ogaden madexweyne kamanoqonayo kolay dhulmahante manoqonayo
    uagaas baqaw ayaa yaabey

  9. IIDOOR LIQE

    AWOOWE CIYAARTA ciyaarta ka dhaaf

    Axmed madoobe waa different game

  10. Mujaahid Darwiish#1

    Anigu markaan ficiladooda arkay shiicay udhaqan ekyihiin

Leave a Reply to Mujaahid Darwiish#1

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented