|

Xasan Sheikh oo Qaylo dhaan iyo Dardaaran kasoo Saaray Xaalada Galmudug

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qaylo dhaan kasoo saaray Xaalada ay marayso Galmudug, Wuxuuna soo jeediyey Tallooyin kala duwan oo Xal lagu gaadhi karo, Wuxuuna Sidoo kale ka digay inay Galmudug  ku noqoto halkii ay ka timid.

“ Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug.

Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u badnaa. Kuwo magac ahaan u jiray iyo dhab ahaan u jirayba.

Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in laga TANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas.

Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid.

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira degaannadooda.

Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn.

Guul iyo Nabad dhammaan degaannada iyo dadeynaha reer Galmudug.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=21984

Posted by on Jan 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “Xasan Sheikh oo Qaylo dhaan iyo Dardaaran kasoo Saaray Xaalada Galmudug”

  1. Sorry Man..I’m very amused right now..

    War maxaad la qeeylinaysaa maanta, shalay markii aad farmaajo u banaynaysay meeshaa miyaad ka dhacsanayd inaad bari ka maalin sidan u qeeykin doonto?!

    Marka uu Mr CADAADOO daanyeero idinku yeedhaayo baan la yabanaa walee…ilayn runtii oo wax buu idinku arkay!!

    War sidani si maahee…ama saxada siyaasadaa iskaga baxa ama dad noqda oo fahma cadawgiinaa koowaad!!

    WTF.

    God bless Somaliland!

    • Somalilander ninkaa sitoow nacala kun jeer kugu yaala rufiyaanyow xun cuqdadu dishay, maxaad ka faaiday xumaanta aad somaliya ka dhex wado iyo isku dirka war duqyahow xun isla yaab maxa dan ah ee kugu jira inaad qabiilada somalida isku dhufato 30 sano baad somali isku direysay walina faaido kama haysid wax kusoo kordhay ma jiro ,aakhiro xumaanta aad wado mid laga dhaafsyo maaha ifkina waad ku kadeedmi, I bet in ay nolashaada wax wayn ka qaldanyihiin bal hoos isku eeg reerkaga caruurtada adiga waa laga jari dhibta aad wado waxan kugula talin lahaa toobad keen oo somaliya in dhibaaato ugu filan way haysataaye dhibta ka dhaafa iidoorow

  2. Ninka waxaan maanta joogin garan…sidee u garan karaa Tomorrow waxa dhici raba?!..of course we are a human being oo allah uun baa garan kara wixii dhici raba…

    Laakiin macnaha loolaa jeedaa waa inaad tahay markaa qof DUMMIES ah oo dumb ahh!!

    God bless Somaliland!

  3. Waar Ceebtan galmudug ka taagan Soomaali oo dhan bay taabanaysaa.

    Sidee baa beelo kooban ugu heshiin la’ yihiin maamul iyo nidaaminta degaankooda.

    Caqligan daanyeernimada wuxuu horseedi doona gacan ka hadal iyo in degaankaasi cadow shisheeye gacanta u gala.

    Waar wuxuu caqli xumaa oo nijaasanaa.

    Ma waxay rabaan ilaa wiito ama boqollaal sano in laysla meeraysto.

    Waxay mooryaantan siinayaan fursad ay DFS ku taageerto mid ka mid ah murashaxiinta deetana kala caydhiso waxba iskuma falayaasha ku khamaarahaya mustaqbal shacabka Soomaaliyeed ee halkaa dega oo ay ku jiraan caruurtooda.

    Xasan Sheekh waa nin aanan aragti ballaadhan lahayn. Bal inta waxan dhicin isaga iyo Shariif maxay u tegi waayeen deegaanka oo mooryaantan u xallin waayeen is marin waagooda.

    Ugu dambayn ilaa nijaasta tima waynta meesha laga xoreeyo Galmudug waa loo yaabaa.

    Sitaha Soomaalilanders

    W*F waa hadal xun ee ka barxadda daa?

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  4. Dadkan ma tawfiiqdii ayaa ka luntay oo sidanaa ka dhab ah,mise waxa meesha qasaya loolanka iyo lacagta N&N,mucaaradka,damaca suufiyada, Xaaf iyo Group-kiisa?!!!!

    XALKU WUXU KU JIRAA IN DHINACYADA OO DHAMI FARO-GELINTA KA DAAYAAN,MADAXDA KALA DUWAN EE LOO DOORANAYAANA AY KA MADAX-BANNAANAADAAN DHINACYADA KU HARDAMAYA,EE DOORASHADA 2021 USII DIYAAR GAROOBAYA

    Hadday markaa waxba dhisan waayaan waa dad gurmad u baahan iyo dhex-dhexaadin daacad ah oo laysku hor fadhiisinayo dhinacyada khilaafku ka dhex jiro ee Dhuusa-mareeb ,Gaalkacayo,Cadaado Iwm kala fadhiya.

  5. Waxay u heshiin layihiim waa wada jaahil aan garanayn nolol kale oon aheen in kursi la isku dilo dalkaan dastuur ma laha dadkan sharci kama baqayaan aduunkale sharci buu leeyahay wakaa ithoopia cabdi ilay sharci lal tiigsaday wadankenan dastuur iyo sharci baan jir sidaa xayawaanka duurka ku jira marwalba ka laga aadkado loo cuno buu wadankeena u shaqeeya, haduu sharci jiro intoo jailka muqdisho laga baxsado kismaayo laguma badbaadeen I wonder waxan ka samaysanahay half animal half human?maxaa dalkan iyo shacabkan dhibta ka daaley laagu tudhi laayahay ee kolba jaahil loogu siidayna. To dowlada somaliyed aduunka sharci baa kala wada ilaa dastuurka la meel mariyo wadankan wax ka shaqeynaya ma jiro sidaad baa kolka meel aad dhistiinba dhinac laga dumin,somalidu kor cabsaday leedahay kol murga ma laha sharciga halgu karbaasho jaahiliintan

  6. Dhuusamareeb ahlu sunna madaxweyne ayay ku dhawaaqaan maalmo ka hor.
    Beri iyo maalmaha soo socda waxaan sugaynaa Cadaado oo Mahad Salaad kasoo baxo.
    Gaalkacyo xaafaddeeda koonfureedna Oday Xaaf isna lama yaqaan waxa uu soo wado. Ma isagaa mar labaad isa soo taagaya ma wakhtigii igama dhammaan buu odhan doonaa mise wax kaluu la iman doonaa lama yaqaan.
    Waxaas oo dhammi waa ila meerayso la isku raacay in lagu jahwareeriyo qolada N&N oo iyagu wakhtigu gabaabsi ku yahay. Kharash iyo wakhti badana galiyey inay meeshaa kasoo saaraan Qoorta gareen. Laakiin xisaabta kuma aanay darsan Galmudug iyo K/Galbeed inaanay isku mid ahayn.
    “Caruurtu muluca cayaar cayaar dabada uga gooyeen isna waa u qudh-gooyo”
    Haatan ila meeraysiga HG qolada N&N Ku sameeyeen waa u Qudh-hooyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • ASC.
      BRAVO Xaange YAAHUUD, orod diradira-haaga ula tag KAN kaa heybeysta ee CADAADO Annagu waan ku naqaane. ≈©≈Waxay guul kuu ahaalahayd “YAA Ahbal” Haddaad jabka soo gaara Hawiye aad ADIGU ka badbaadi lahayd TAASNA waxaa ku siiyay caqligaaga jiran ee Qabyaaladu dubatay. ≈©≈ANNA waxaan ku leeyahay WIXII ku dhaca Xamar KAMA badbaadayso Jabuuti Walaa Hargaysa, Ogaadenya iyo NFD. °Aaway garasha fayoow?. WBT

      • Adaa najaas iyo yuhuudba ah.Oday asaasaq ah oo qurmayba ah.Aniga ha i moodin dadka aad magaca soomaali ku khaldi kadhid inaan aha

  7. Galmudug waa bilowgii Federaal Meles oo Dhamaadkii Federaal Fitno.

    Maxaa diidahayo in degmo kasto sameysato Duq magaaleheeda – Toosna u hoos tagto Villa Xamar.

    * Waxey nabareen (qabyaalad) waxey nabadeen ayaa ka daran (10 Calal qabiil).

  8. Xasan sheikh lacagta tii aa horey u dhacday iyo tan Emarate and Kenya ka daa Galmudug.Xaafadda Galmudug lacagteedii haku duminin Galmudug.
    Munaafiqnimo waaye in lacagta wax lagu qasaayo aa dirtid,haddana aad dhahdo waa ka xumahay waxa dhacaaya.
    Maad isaga bixisid 70 million ee aad tiri Farmaajo iga bixi si aan kuula shaqeeyo.

    Illahay ka baq qaska siyaasad ma ahan

  9. Hodan

    Naftaan

  10. Hodan

    Naftaan..Kuu Hibeeyoo..
    Hooygaad Ku Dhalataan..

    Hida Raayacayee..
    haygu Nicin..HANTI LA’AAN

    Haygu Nicin Hanti La’aan!!

    God bless Somaliland

  11. Waxaa xaqiiq noqotay.

    Xasan sheekh nin wax dhisa in uu ahaa farmaajana uu yahay nin wax dumiyo.

    Xasan sheekh waa loo darsaday. Oday somaliyeed ayuu ahaa. Nin wax na galo waxna gudo ayuu ahaa.

    NIN dadka soo horfadhiisto oo wixii la doono la waydiiyo ayuu ahaa.

    Waxaa ugu darnaa Markii odayaal darood ah qol la galeen ee ku dheheen xasanoow ina dhaaf. Ee uu ku dhahay anigu waan baxayaa laakiin wixii inaga dhexeeyo aan ka sheqeyno markaa kadib odayaashii inta isku xishodeen ku dheheen raali ohoow waxaad tahay nin dulqaad badan.

    Intaas inta farmaajo la dhihi lahaa meesha ayuu ku suuxi lahaa.

    NIN iyo nin is la.aan iga dheh.

  12. XASAN SH BAABA CID WELI WAANINAYA!!KKKK.
    XASAN SH WAA DICIIF LIITA WAXAANA KU SHAQAYSAN JIREY WIILAL & GABDHO YARYAR OO (UN)USHAQAYN JIREY!!!.
    OK,WAA NINKII SAXEEXAY HESHIISKII DHIGAYEY:
    “XERADA XALANE KAMA SHAQAYN KARO QOF SOMALI AH AMA ASALKIISU SOMALI YAHAY”!!!.
    SHAME ON YOU.
    XASAN SH WAA NINKII WAX KALE ISKABA DHAAFE XITAA JARDIINOOYINKA GATAY!!.
    SIYAASIGA SOMALIGU MABA CEEBOOBO,CEEBA MA YAQAAN!!!.KIIBAA WALI HADLAYA OO XISBI INOO SAMAYSTA!!.

  13. Dad baa meeshan u soo gala kaliya *yaan maanta isku diraa*, Namiim iyo nifaaq…

    Walciyaadu Billaah..

  14. Sxbkay Ahmed Somali iyo Xaange sow tan ka dhex figatay…kkkkkkkkkkkkkk
    War ragow arinka hala dejiyo.
    Kalshaale caado ayey ka noqotay, in buuri la isku tufo marmar.✌️
    Peace.

  15. 4 sano ayuu ahaa madaxwayne.
    3 Raysal wasaare ayuu isku maray
    Sanad walba wuxuu ku dhamaanjiray buuq iyo qaylo.Markii laga soo baxo buuq iyo qaylo waxa biloow noqon jiray kii cusba oo jooga 2 bilood.Misana buuq iyo Motion kk

    Ku sii fogaam maayee,

    Oday Xasan sheekh waa maal qabeen wayn.
    Dee sidaa hayskaga maqnaado.

    Denibuu hoos fadhiistay.
    Dalmida

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented